Page 1 of 3

Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 7:44 am
by abdisamad3
Gaalkacyo(AllPuntland)- Cabdi-Nuur Maxamed Diiriye (Geeseey) loo yaqaano ayaa ciidamada dowladda Puntland ay xireen habeenadii xalay, waxaana manta la geeyey Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in sababta loo xiray ninkan mar soo maray gudoomiye gobal ay tahay, ayadoo lugu eedaynayo falal kala gedisan oo ay ku jiraan ka qeyb-qaadashada falal looga soo horjeedo horumarka iyo amaanka gobalka Mudug.

Ciidamada dowladda oo qabey amar soo qabasho ayaa xalay saqdii dhexe xoog ku galay guri uu ku jiray C/nuur Max’ed oo maalmihii ugu dambeeyey aan lugu arag goobaha dadku ay iskugu yimaadaan, luguna xamanayay in uu wax ka ogaa dilkii Wasiirkii Warfaafinta ee dowladda Puntland.

Mr. Geeseey ayaa su’aalo ay weydiinayaan ciidamada amaanka ee dowladda Puntland iyo gudi khuburo oo loo saaray soo baarida kiiskii lugu dilay Wasiirkii Warfaafinta dowladda Puntland.

Saraakiil sare oo ka tirsan Gudigaasi oo ka gaabsaday sheegida magacyadooda lana hadlay AllPuntland ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dad badan oo ay ku howlan yihiin soo xiritaankooda, kuwasoo ay sheegeen in ay qeyb ka yihiin falal badan oo amaan daro.

Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa ku howlan soo qabashada wiil uu dhalay C/nuur Maxamed Diiriye (Geeseey), kaasoo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Talaabooyinkan ay qaaday dowladda Puntland ayaa ku soo beegmaya xili gudiga Amniga qaranka ee Puntland ay soo saareen bayaano ku aadan xaaladaha gobalka Mudug iyo xaalad deg deg ah oo lugu soo rogay magaaladaasi, markii ay halkaasi gaareen Madaxda dowlada Puntland.

F. C. Maxamed
AllPuntland

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 7:46 am
by abdisamad3
justice will prevail in puntland insha-allah.. :clap: :clap:

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 8:14 am
by surrender
does it say what he did wrong?

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 9:26 am
by abdisamad3
surrender wrote:does it say what he did wrong?
the police is suspecting him of being behind the murder of seefta banaanka..they are allso looking for his son and some other people with links to the murder..

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 9:31 am
by abdisamad3
Guddoomiyihii hore xilka looga qaaday ee gobalka Mudug, ayey ciidamada Booliiska ee Puntland Xabsiga u taxaabeen kadib markii uu wiil uu dhalay dil geystay.

Cabdinuur Maxamed Diiriye (Geesey) ayaa saaka xabsiga Gaalkacyo la dhigay kadib markii wiil uu dhalay uu dil bareer ah u geystay nin dhalinyaro ah bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Wiilka uu dhalay Guddoomiyihii hore ayaa ka baxsaday magaalada Gaalkacyo asagoo u tilaabay dhinaca koonfureed ee xaafada Baraxley, halkaasi oo warar hada kasoo baxaya sheegayaan inay ka socdaan hawlo lagu qabanayo ninkaasi dilka geystay.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya ayadoo horey xiisadi uga taagneyd magaalada Gaalkacyo kadib markii la dilay Wasiirkii Warfaafinta ee Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seeft Banaanka)

Guddoomiyihii hore ee Gaalkacyo Mr.Geesey ayaa horey xilka looga qaaday ayadoo uu jiray tuhun ah inuu gacan ku lahaa dilka Wasiirka, walow aan wax danbi ah lagu soo oogin. Guddoomiyihii hore ayaa wiilkiisa wuxuu kamid ahaa ragga la tuhunsanaa inay falalka dilalka Gaalkacyo wax ka geysto.

Ayadoo dilka uu ku kacay wiilka Cabdinuur Geeseey ay soo dadajisay xarigiisa.

Cabdinuur Geeseey oo markii xilka laga qaaday wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay inuu asagu joogo guddaha magaalada Gaalkacyo, xili ay jireen warar horey usoo baxayey oo sheegayey inuu isaga baxay magaalada Gaalkacyo.

Cabdinuur Geeseey ayaa dhaliiceyn dusha uga tuuray hogaanka Puntland, inaysan waxna ka qaban karin xiisada ka taagan Gaalkacyo, asagoo sheegay inay tahay in dowlada ay isu deyso in beelaha Mudug ku dhaqan dhexdooda heshiiyaan.

Hadaba dilka maanta ayaan la ogeyn inuu salka ku hayo dilkii hore ee ka dhacay magaalada ee lala beegsaday Wasiirkii hore ee warfaafinta. Balse marxuumka la dilay waxay Qaraabo yihiin Wasiirkii Warfaafinta Seefta Banaanka.
http://horseedmedia.net/2009/08/guddoom ... la-dhigay/
Magaalada Gaalkacyo ayaa habeekii bandow ku jirta, ayadoo dilka maanta ka dhacay Gaalkacyo uu markale waji gabax ku yahay dadaalkii ay madaxda ugu sareysa Puntland ka wadeen magaalada.

Weli waxaa magaalada ku sugan Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire, intii badneyd xukuumada Puntland iyo saraakiisha Amniga.

Xaalada magaalada ayaa hada ah mid xiisadi ka muuqato, ayadoo ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Booliiska lasoo dhoobay jidadka waaweyn ee magaalada, isla markaana uu hakad ku yimid isu socodka dadka.

Horseed Media

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 10:40 am
by Aseelah-Raaida
Good.

He and the other thugs need to be made an example of.

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 11:13 am
by abdalla11
I think that is pouring oil on the flames, if they can prove that he was behind it then they should arrest him otherwise they should release him, you can't arrest someone based om rumours or presumption. I heard yesterday two reer khalaf guys killed someone in gaalkacyo for political reasons, i think he was reer bicidyahaan, but i am not sure.

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 11:23 am
by sheekh-Farax-zero
The guy's son killed the poor man,, he should be be hanged walle.

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 11:24 am
by Aseelah-Raaida
sheekh-Farax-zero wrote:The guy's son killed the poor man,, he should be be hanged walle.

The Puntland government is too lenient on criminals.I bet he'll be broken out of the prison by an armed gang soon.

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 1:29 pm
by The Magnificent
Aseelah-Raaida wrote:
sheekh-Farax-zero wrote:The guy's son killed the poor man,, he should be be hanged walle.

The Puntland government is too lenient on criminals.I bet he'll be broken out of the prison by an armed gang soon.
How ironic of you to think such an evil plot.. :roll:

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 1:30 pm
by Aseelah-Raaida
The Sheegato-nificent

Why is it ironic ?

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 1:34 pm
by The Magnificent
Another ironic comment made..^ :roll:

Time will tell the illegitimacy of Reer-Bicidyahan. :lol:

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 1:42 pm
by Aseelah-Raaida
The Magnificent wrote:Another ironic comment made..^ :roll:

Time will tell the illegitimacy of Reer-Bicidyahan. :lol:

Doqonoow iga aamus :lol:

Orad qolo kale aad sheegatid raadso

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 1:50 pm
by The Magnificent
I've dearly wanted to expose the illegitimacy of the Bicidyahanka...they are truly not of us. :lol:

Re: Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug oo la xiray

Posted: Tue Aug 25, 2009 2:09 pm
by Aseelah-Raaida
The Magnificent wrote:I've dearly wanted to expose the illegitimacy of the Bicidyahanka...they are truly not of us. :lol:

And by " Us " you mean the Shegato Brigade.