
Sharif Hotel & Xasan Dahir kill more
Muqdisho:Masaajidyad a Muqdisho oo aan la oogin salaada Taraawixda sababo dagaalada habeenki oo sii kordhay
25. august 2009
Muqdisho(AllPuntland )Masaajidyada magaalada Muqdisho ayaan la oogin salaada Taraawixda iyadoo loo aaneyno amaanka caasimada oo faraha ka sii baxaya.
Xoogaga mucaaradka iyo ciidamada dawladda ayaa dagaal bilaabanaya xiligi afurka caadi ka dhigtay , waxaan dagaaladaas ay sababeen in aan masaajidyada la xaadirin oo xitaa aan salaada cishaha lagu tukan.
Odayaal iyo waxgarad reer Muqdisho ah ayaa cambaareyey dhinacyada isku haya Muqdisho in ay go'doomiyaan shacabka cibaadeysan lahaa iyagoo sheeganaya muslimin .
Xasan Dahir Aweys oo ah hogaamiyaha Xisbul islaam ayaa ajar dheeraad ah ku sheegay dagaalada la qaadayo afirki kadib inkastoo culimada diinta Soomaliya ay ku diideen iftidaas oo ay ku sheegeen mid siyaasadeed.
Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland