Diyaarado guranaya Ugaarta Somalia [ Puntland]

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Diyaarado guranaya Ugaarta Somalia [ Puntland]

Post by sheekh-Farax-zero »

Image

Tuulada Garacad oo ka mid ah tuulooyinka waweyn ee ku yaala xeebta Badweynta Hindiya islamarkaana degmo ahaan hoos-tagta Jiiriban gobolka Mudug [Puntland] ayaa cabasho dadkeedu ka muujiyeen diyaarado Helip-copter ah oo kasoo dul-kacaya Maraakiib shisheeye [ Nooca Dagaalka] kuwaasi ugaarsi ku haya Duur-joogta barriga ee kunool goobaha xeebta ku dhow.


Xiriiro Idaacada Garowe lasoo sameeyeen Odey-dhaqmeed deegaankaasi jooga ayey sheegeen in diyaraddo Helicopter ah ugaarsannayaan duur-joog ay ka mid tahay (Deerada) kuwaasi oo marka hore suxinaya dabadeedna qaadanaya.


''Shantii maalmood ee u danbeysey Deerada, Goroyada iyo ugaarta kale inta wax aanan la garaneyn ku buufiyaan bey suuxinayan dabadeedna dhulka ugu imaanayaan weyna la tagayaan oo ay la aadayaan dhinaca Maraakiibta u fadhida xeebaheena,taas ayaanna deegaanka ka jirtey beryahan dambe'' ayuu yiri Odey Taaxug Muuse Axmed oo u warramayey Radio Garowe.


Waxaana uu intaasi ku darey in Ugaarta ku nool deegaankaasi Garacad ay tahay mid dadka degaanka laga mamnuucey iney ugaarsadaan mudo Sagaal sano ah kadib markii Odoyaasha dhaqanku ka saareen sharci diidaya kaas oo loo hogaansamey iyada oo lagu soo rogo qofkii ku xadgudba ganaax lacageed.


Maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebaha Somalia kuwaasoo ay leeyihiin wadamada Mareykanka, Yurub iyo kuwa ka yimid barriga fog ayaa sheega iney la dagaalamaan kooxaha burcad badeedka ah ee ka qowlasada xeebaha Puntland iyada oo ay jiraan dhinaca kale eedeeymo la xiriira iney gurtana khayraadka ku jira badaha Somalia.



RADIO GAROWE
Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: Diyaarado guranaya Ugaarta Somalia [ Puntland]

Post by Aseelah-Raaida »

Ilaahay gacmaha ha gooyo tuugtaan.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”