Oday Ahmed Silaanyo ma joogo xiligii talo laga sugi lahaa ee waa xiligii loo talin lahaa!
Abdi Muxumed Gaas
Ayaamihii ugu danbeeyey waxaa laga maqlaayey Guddoomiyaha Mucaaradka Ahmed Siilaanyo erayo aan raali galin badi dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, erayadaas oo ka danbeeyey ka dib markii ay dib u dhacday doorashadii Madaxtinimada ee Somaliland.
dadka qaar ayaa waxaa ay u fasirteen hadalka Ahmed Silaanyo hadal aan laga fiirsan waayo wuxuu u hadlayaa sidii oo uu hubo ama loo balan qaaday haddiba ay dhacdo doorasho in uu isagu heli doono, waa yaabe xaguu ka keenay mudane Silaanyo kalsoonida intaa leeg miyaanu xasuusnayn sidii doorashadii horaba sida xaragada ahayd looga badshay.
Waxaa dhab ah in Mudane Siilaanyo yahay muwaadin mujaahid ah oo u soo halgamay dalkan Somaliland una qalma in uu noqdo Mdaxweyne hadii ay dadku codkooda siiyaan laakiin wuxuu imika u muuqdaa inuu wadadii ka sii baydhaayo oo meel aanay ahayn ka baadhayo.
Waxay iila muuqataa maanta in aanu mudane Siilanyo joogin xili talo iyo arin laga sugo waayo wuxuu marayaa da'dii loo talin lahaa, sida taariikhdu xustay Mudane Silanyo wuxuu ka mid ahaa wasiiradii 1960aadkii, waliba sida taariikhdu hoosta ka xariiqday gaar ahaan sida aan ka akhriyey buuga "From Barre to Aideed" Mudane Siilanyo wuxuu ka mid ahaa markii la laynayey lana xidhxidhayey saraakishii Somaliland ee wakhtigaa ka mid ahaa xukuumadii Siyaad Barre dadkii u baxsaday iskana dhibay wadanka Britain.
halgankii SNMtana lama amaanayn sida uu ka yeelay Mudanuhu.
ugu danbaynti waxaan talo ugu soo jeedin lahaa Xisbiga Kulmiye in ay nasiyaan oo ay fadhiisiyaan odayga una taliyaan ee aanay isaga talo ka sugin.
Abdi Muxumed Gaas
gaas2003@hotmail.com
Burco
Somaliland
Oday Ahmed Silaanyo ma joogo xiligii talo laga sugi lahaa ee
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 555 Views
-
Last post by Tallman77
-
- 0 Replies
- 316 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 35 Replies
- 1838 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 7 Replies
- 481 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 3 Replies
- 466 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by watchman
-
- 139 Replies
- 9020 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 5 Replies
- 1067 Views
-
Last post by afisoone
-
- 9 Replies
- 1475 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH