Saalax Lay diray

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
AbduQadir
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Wed Apr 08, 2009 3:41 pm

Saalax Lay diray

Post by AbduQadir »

Tixdan waxa la sheegaa markuu Saalax tirshey inuu 40 habeen sii noolaa oo uu xijaabtay. Waa gabay uu kaga hadlayay inuu aakhiro iyo xaalkeed kaga mashquulay qabiil difaac iyo qooq isla markaana ay la gudboon tahay inuu naftiisa qool geliyo oo ku soo dabbaalo diinta.

Ashahaadda gaal laga qarshee, loo qayaxay muummin
Kolkaan qayd lahaa iyo markaan, anigu qaan gaadhay
Intii aan qabiillada jinni, iyo qaxar ku daalaayey
Horta maan qudhayda u tabcado qaafil yaan go'ine
Oo maan wuxuun kala qoqobo, qaayiska i saaran
Alla maan qaddeeyoo waxaan qabo ka soo toobo.

Alla maan qaraamii godkiyo qarashki meeleeyo
Oo maan qufraan Eebbahay, qani ah waydiisto
Qiyaamada naftaa igu waddee, qar iga tuuraysa
Alla maan itaanay i qatalin geliyo qoolkeeda.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”