Barri baa Habar Dugaag oo u weyn yahay Libaax ayaa iyagoo Jilaal jooga waxey heleen Hal ,Hashu waxey ka wada dhaxeysay dhamaan Habar Dugaag oo dhan, Hashaasi Xayawaan kasta oo ka mid ah Habar Dugaag waxa uu doonayaa in uu wax uu ka helo, mid walbna isha ayuu ka Guluc siinayaa wuxuuna fiirinayaa qaabka ay u dhaceyso qeybsiga Hilibka.
Boqorkii Habar Dugaag oo ah Libaax ayaa markiiba waxa uu soo qabtay Dhurwaa oo ku yiri adiga ayaa igu xigee bal qeybi Hasha, Dhurwaagii markiiba waxa uu u tafa xeytay siduu ku qeybin lahaa Hashaasi wuxuuna isha la raacay Habar Dugaag, wuxuuna arkay “in mid walba ay ka caddahay uuna dhowrayo sida uu Dhurwaa wax u qeybiyo”, Dhurwaagii wuxuu bilaabay inuu qeybiyo Hashii wuxuuna u kala dhigo labo qeybood markaasuu wuxuu yiri “Hasha markii labo loo dhigo Boqoroow badh adiga ayaa leh, dhaga soo hartayna habar dugaag ayay ka wada dhaxeysaa” hadalkaas markuu ka soo yeeray Dhurwaa, Libaax intuu xanaaqay markaasuu Il iyo Dhafoor Dhurwaagii la qaaday, Dhurwaagii waxaa gaaray dhaawac culus oo ilbaa ka soo dhacday.
Libaaxii wuxuu dib u eegay Habar Dugaag markaasuu waxa uu soo qabsaday Dawaco oo uu ku yiri “Dawacooy adiga ayaa lagaaga fadhiyaa sida aad habar dugaag ugu qeybin laheyd Hasha, inta soo xaar-xaaratay Dawacadii ayaa iyada oo gariireysa waxey tiri “Adeer gacaliye Hilbaha waan qeybinayaa ee waa in aad ku qanacdaa qaybteyda waxa ay sii raacisay, Hilabaha markii labo loo qeybiyo, dhig Adeer adaa iska leh hadana waxey sii daba dhigtay iyadoo sii qeybinaysa dhigtii Habar dugaag, Badh mise Bar, badh Libaax baa leh, ma falaadh mise falaadh, falaadh aboowe libaax baa leh, ma tumud mise tumud, tumud aboowe libaax baa leh, ma waslad mise waslad, waslad aboowe libaax baa leh, waslad soo hadhayna wax inaga tariimeysaa aboowe baan siyey. marba sidii ay u sii qeybineysay Hilbihii habar dugaag ayaa waxay ku soo gabagabeysay Adeer Gacaliye dhamaan Neefku wada qaado” markii hadalkaas uu ka soo yeeray Dawacadii ayay Habar Dugaag candhuufta dib u liqday oo mid waliba meeshiisii ka jucsaday maadaama Dawaco ay neefkii oo dhan wada siisay Libaax.
Libaax inta uu qosol la dhacay oo yiri “Gax, gax, gax……” Markaasuu dawaco ku yiri “Dawacooy yaa ku baray qeybtaan” Dawaco iskama waalin waxayna tiri “waxaa qeybtaan I bartay dhirbaaxadii iyo ishii dhurwaaga ka lulatay” markaasuu wuxuu yiri “Aleey lahee waa runtaa”.
somali folk-story (habar dugaag)
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 424 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 0 Replies
- 273 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 35 Replies
- 3915 Views
-
Last post by Gantaal05
-
- 13 Replies
- 1531 Views
-
Last post by Libah86
-
- 5 Replies
- 879 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 21 Replies
- 1925 Views
-
Last post by Faant
