Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Magaalada Caynaba

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Magaalada Caynaba

Post by Bohol iyo karaman »

Daayeero lagu qiyaasay tobaneeyo ilaa (21) , Daayeer ayaa dhintay, dad lagu qiyaasay 11 nina waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii uu 27-08-2009 kii bishan Aagutst magaalada Caynaba uu dagaal ku dhexmaray Koox Daayeero ah iyo koox rag iyo dumar isugu Jira oo reer Caynaba ah, wuxuuna dagaalkaasi ka dambeeyey markii ay Koox daayeero ahi weerar ba an ku soo qaadeen dhowr qoys oo reer Caynaba ah, halkaas ay khatar ku geliyeen dumarkii, Odayadii iy caruurtii Xaafada, isla markaana ay qabsadeen gurigii uu qoysku deganaa, debadeedna ay debada uga saareen dadkii, taasina waxay keentay in raga magaaladu u soo gurmadaan qoysaskaas weerarka lagu soo qaaday, halkaasna uu dagaal ba'ani ku dhexmaro ragii soo gurmaday iyo Kooxdii Daayeerada ahayd.

Wararka naga soogaadhaya Tuulada Caynba ee uu soowerinayo weriyahayaga Gobolka Sool Adaan Maxamed oo hadda booqasho ku jooga Tuulada Caynaba ee gobolka Sool, Wuxuu yidhi kooxda Daayeerada ah iyo raga reer Caynaba waxa maanta gelinkiidanbe dhexmaray dagaal culus oo lagu hoobtay, wuxuun dagaalkaasi sababay in daayeeradii oo tiradoodu lagu qiyaasay 71 daayeer laga dilo 21 ka mid ah, isla markaana ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen dad lagu qiyaasay ilaa 11 qof oo ka mid ah dadkii dagaalku dhexmaray iyaga iyo daayeerada, kuwaas oo ay ilaa hadda qaar ka mid ahi u jiifaan dhaawacyadii ay daayeeradu u gaysteen , waxaana ragaa inta badan dhaawacu ka soo gaadhay Caloosha, Madaxa, Lugaha iyo Gacmaha.

Ragga dhaawaca ah ee ay daayeeradaasi dhaawacyada soo gaadhsiiyeen ilaa hadana u jiifa waxa ka mid ah Aadan Jaamac iyo Daahir Caydiid .

Ninka qoyskiisa ay daayeeradu soo weerareen ayaa weriyaha u suga sheekeeyey sida uu dagaalku u bilowday, wuxuuna sheegay inay daayeeradaasi khatar weyn geliyeen qoysaskaa, ka dibna uu qaylo-dhaan soo dirsaday, Dad kii magaalada joogay halkaasna ay rag badani u soo gurmadeen, taasina ay keentay inuu dagaal dhexmaro daayeeradii soo weeraray iyo raggii gurmadka ahaaa. Laakiin waxa la sheegay inay daayeeradaasi weerarka soo qaadeen markii ay aad u harraadeen, iyadoo ay degaamadaa abaarta iyo biyo la'aantu aad u saamaysay, waxaana la sheegay inuu qoyska ay daayeeradu soo weerareen dul-deganaa Laas yar oo biyaha laga cabbo. Ma aha markii ugu horaysay ee ay daayeero farabadani soo Weeraraan Magaalada Caynaba waxe layaab leh sababta ay maamulkusheega degmadu wax ugu qabawayday.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”