Philosophy quotes by Qamaan Bulxan Yuusuf
Eray-Maceedyadii Ama Halku-Dhagadii Abwaankii Weynaa ee la odhan jiray Qamaan Bulxan, Allaha Unaxariistee.
Halkan ka akhriso. Waa Quotes ama meerisyo aan kasoo xulnay Gabayadii faraha badnaa ee Qamaan Bulxan.
Waa erayo ku aqli-gelin oo markaad akhristo aad dareemi murtida iyo culeyska ka muuqda ereyadaas.
Waa ereyo ku hagaajin doona afsoomaaligaaga, oo Baaxir kaa dhigi doona, Markii aad dadka soo dhex fadhiisato, aad ku hagaajisan ereyadaada.
Waxaad Aadamoow Maagantahay Adiyo Maankaagu
Iyo Meel ilaahay ku marin kala mid weeyaane By Qamaan Bulxan Yuusuf
-----------------------------------------------------------------------------------
Waxaad Adigu Miihaalitiyo Malaba waa beene
Waxaad Mooday Moowd baa sokoda kaaga soo maraye By Qamaan Bulxan Yuusuf
----------------------------------------------------------------------------------------------
Hadeey Sigito gobi wey kacdaa amase suuxdaaye
Surin kuma bakhtido maalintii laga sareeyaaye By Qamaan Bulxan Yuusuf
-------------------------------------------------------------------------------------------
Nin dhib galey waxbuu ugu xishee dhidibka maw aasay? By Qamaan Bulxan Yuusuf
----------------------------------------------------------------------------------------------------
Tukaa beri laf qaadayoo misna dhigay banaankee
Aleeyle Bayuur baa ku taal bihina-iidoowe By Qamaan Bulxan Yuusuf
------------------------------------------------------------------------------------
Maansadu nimey ugu baxduu ii maxooliyiye By Qamaan Bulxan Yuusuf
----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Aduun waa hadh labadiise gelin waana la hubaaye
Halkaad gadatay waxaa looga dhigay Yaan nina uhadhine
Mar unbaa sabool la harqiyaa hodana deegaaye By Qamaan Bulxan Yuusuf
--------------------------------------------------------------------------------------
----------------------------------------------------------------------------------
Hadii garabka loo dhigo haween god aan la ciideynin
Garaad-xumada Luxudkeey Gawda ku hayaane
Aniguna gedii baan ahee guriga hay geenin By Qamaan Bulxan Yuusuf
----------------------------------------------------------------------------------
Hadday sababi geli maanka waa, la iska suushaaye
Sinbiidh gaban ah yaa laga dhigaa, saacadaad dhimane
Solina maysid taladii Illaah, seeg ku leeyahaye By Qamaan Bulxan Yuuuf
------------------------------------------------------------------------------------
Geedkii aan fadhiistaba wiil yaroo gaaran baa imane
Hadaan Guuro geediga horaan noqon garaad shuune
Hadaan gudubsinkaa tego anaa xidhan gamboolkiiye
Maxaan ula golo-leeyahay midkale gacanta maan saaro By Qamaan Bulxan Yuusuf
-----------------------------------------------------------------------------------------------
Dhafoor layska toogtiyo dilbaa, niman ku dhiitaane
Nabadda way dharaar furi colkana, kama dhabbeeyaane By Qamaan Bulxan Yuusuf
------------------------------------------------------------------------------------------------
Walee ina Ragoow talo aduun taada uun ma,aha By Qamaan Bulxan Yuusuf
------------------------------------------------------------------------------------------------
Rag hadduu gob yahay oos isgayo guurna kala waayo
Labaa gacallo raagtiyo lahaan gogol aan laabmaynin
Labana waa geshi iyo ceeb waxay kala gasbaysaaye by Qamaan Bulxan Yuusuf
-------------------------------------------------------------------------------------------
Ninkii Midho Yaraa loo wada mohay lana miskeeneeye By Qamaan Bulxan Yuusuf
----------------------------------------------------------------------------------------------
Intaad caano iyo wiil tahaa, lala cabsoodaaye
Wax calaacal kuma yaal haddii, caydh lagaa dhigo e’
Cadaabkii ma iibsado nimaan, Caadilkii badine By Qamaan Bulxan Yuusuf
--------------------------------------------------------------------------------------
Nimay gacantu daabulo tiqiin, beri hadduu daayo
Uu yara dalleensado intii, ducasan loo yeelo
Dambanmahayo waagay xubnuhu, yara dubaaxshaane By Qamaan Bulxan Yuusuf
-----------------------------------------------------------------------------------------------
Daabaca ninkii kuu dadbee, daabku uu celiyey
Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane By Qamaan Bulxan Yuusuf
------------------------------------------------------------------------------------------
Aar soo dibjirey neef hadduu, daacuftii geliyo
Uu kaga digsiiyuu ilkaha, dhiigga kaga daadsho
Dugaaggaa yaryari saw ka cuna, duufka hadhay maaha? By Qamaan Bulxan Yuusuf
-------------------------------------------------------------------------------------------------
Ha gudduudatoo yaan shamsadu, giirka ka caddaanin
Geediga ha lumo wiilka yaree gurada saaraaye
Gabbal yuusan dhicin waana baryin, gooriyo ayaane
Ha lays galo ninbaa gudin la dhacay, geed qudhaanjo lehe By Qamaan Bulxan Yuusuf
--------------------------------------------------------------------------------------------------
Nin daleensan iyo wiil yarbaa, loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene
Ma dumaalo naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaane
Dayib uma yidhaahdaan jeeroo, hawli daashado e
Nin walaalkii doorsaday Ilaah, derejo siin waaye
Dalkaad Ina-adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye By Qamaan Bulxan Yuusuf
----------------------------------------------------------------------------------------
Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane
Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne
Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye By Qamaan Bulxan Yuusuf
----------------------------------------------------------------------------------------
Mudaahano masalo been ah, baa madhisay Daroode
Naftanu waxay u maxaboon, halkaan lagu manaabayne
Maaneed raggii degi jiray iyo, madhay Ogaadeene
Madheedhkii ku yiil Dhirindhir iyo, Xoddayo waa mowede By Qamaan Bulxan Yuusuf
----------------------------------------------------------------------------------------
Gashi nabsiyey oon geeri iyo, gacan la qaadaynin
Oo kii lahaa kugu gilgili, gaardin iyo qoolka
Gasabkeeda Eebboow bal yaa, galin usii jooga By Qamaan Bulxan Yuusuf
-------------------------------------------------------------------------------------
Dumarkaa sabaalo iyo been, sahal la taabaaye
Oo lagu siraa waxaan ku siin, Soobir iyo liige
Oon saarsanayn waxaad ku fali, kaana sarar weyne
Dabadeedna saamaxa intay, meher ku saartaane
Sokeeyaha demani waa la cayn, laguna saaweeye By Qamaan Bulxan Yuusuf
---------------------------------------------------------- -----------------------------
Cawl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye
Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan
Golxobtiyo lawaa tooriday, Gurey ku noolayde
Jeenay gafsiisoo minday, qodatay garaaye
Adiguna gaddii baa tahoo, ways gunaanadiye By Qamaan Bulxan Yuusuf
------------------------------------------------------------------------------------
Naagtii ganbada taabatee, gacanta loo maydhay
Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha? By Qamaan Bulxan Yuusuf
------------------------------------------------------------------------------------------
Haduu Mowlo siduu kugu ogyahay tol ugu maanyeyso
Oo ma,aha diidmuu yidhaah mas ku qaamowga
Waa Mahad wixii marag lahoo maalinkaa dhaca'e By Qamaan Bulxan Yuusuf
-------------------------------------------------------------------------------------------------
Nabsi lama gurtee seediyaal guda ummuurtayda
Gadaafiyo xaq lama soo duwdee guud-caddaha miidha
Bacdigeed halkaad goosataan soo gadaal celiya
Anigana wixii ila gudbaan gaar an uga showro By Qamaan Bulxan Yuusuf
---------------------------------------------------------------------------------------------------------
Hadalkaan Saxnayn wuxuu taraa sun iyo waabeeye By Qamaan Bulxan Yuusuf
-----------------------------------------------------------------------------------------------------------
Philosophy quotes by Qamaan Bulxan Yuusuf
-
Faarax-Caytame
- SomaliNetizen

- Posts: 428
- Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
- Location: Awaare
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1150 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 5 Replies
- 1112 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 6 Replies
- 41097 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 13 Replies
- 976 Views
-
Last post by noer
-
- 0 Replies
- 1848 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 3 Replies
- 575 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 2 Replies
- 653 Views
-
Last post by Sade-KING
-
- 10 Replies
- 1684 Views
-
Last post by KUN-DILE
-
- 14 Replies
- 1259 Views
-
Last post by CaliQase
-
- 4 Replies
- 3504 Views
-
Last post by Queen_Arawello