Gaalkacyo: Madaxa ugu sareeya Midowga Yurub ee Bariga Africa

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Gaalkacyo: Madaxa ugu sareeya Midowga Yurub ee Bariga Africa

Post by sheekh-Farax-zero »

ictiraafkii baa soo dow :shock:

Gaalkacyo: Madaxa ugu sareeya Midowga Yurub ee Bariga Africa oo gaartay magaalada Gaalkacyo.
1. september 2009

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wafdi ay hogaaminayso Haweenayda Midowga Yurub uqaabilsan xaaladaha Bariga Africa ayaa manta gaartay deegaanada Puntland ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana Xarunta KMG ah ee ay hada ku shaqeynayso dowladda Puntland ee Gaalkacyo.
Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email


--------------------------------------------------------------------------------

Print This Article | Daabaco warkaan



Gaalkacyo(AllPuntland)- Wafdi ay hogaaminayso Haweenayda Midowga Yurub uqaabilsan xaaladaha Bariga Africa ayaa manta gaartay deegaanada Puntland ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana Xarunta KMG ah ee ay hada ku shaqeynayso dowladda Puntland ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud iyo Madaxda kale ee dowladda Puntland ayaa wafdigaasi ku qaabilay magaalada Gaalkacyo, waxa ayna isla soo qaadeen xaalado kala gedisan oo ay ugu horeeyaan amaanka, Siyaasadaha iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya Yurub iyo Puntland.

Wasiirada dowladda Puntland ayaa usheegay APL in ay wafdigan saacado joogi doonaan magaalada Gaalkacyo, isla markaasna ay waxyaabo badan isla soo qaadi doonaan Madaxda dowladda Puntland.

Ladagaalanka Burcad Badeeda, wax ka weydiinta Puntland ee arrimaha qalafsan ee Soomaalida iyo qodobo kale ayey tahay ujeedada wafdiga Midowga Yurub ay ku soo gaareen magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Haweenaydan hogaaminaysa wafdigan ayey utahay booqashadii ugu horeysay oo ay ku timaado Soomaaliya sannadyadan dhawaa, waxa ayna Midowga Yurub uqaabilsan tahay xaalada wadamada Bariga Africa oo ay ku jirto dowladda Suudaan, waxa ayna manta wada xaajoodyada ay la leedahay dowladda Puntland ay ku soo qaadi doontaa xaalado kala gedisan.

Ilo ku dhow dhow dowladda Puntland ayaa usheegay APL in ay Midowga Yurub doonayaan in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, isla markaasna ay doonayaan in ay ka caawiyaan Adeegyada horumarinta, sugida amaanka, ayagoo kaalmaynaya ciidamada kala gedisan iyo Hay’adaha Dastuuriga ah ee Puntland.

Midowga Yurub ayaa lacag bil walba siiya Maamulka Somaliland, taasoo ay ku caawiyaan ciidamada Booliska ee Somaliland, waxaana lugu waramay in ay hada dowladda Sweden oo heysa talada Midowga Yurub ay qaadi doonto talaabo ku aadan arrimahaasi ayna sami doonto labada Maamul.

F. C. Maxamed
AllPuntland
Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: Gaalkacyo: Madaxa ugu sareeya Midowga Yurub ee Bariga Africa

Post by Aseelah-Raaida »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”