afgoye 10 : bardhere 4
Posted: Tue Sep 01, 2009 10:11 pm
Barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle ayaa waxaa caawa 10-dhibcood ay ku badiyay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Kadib tartan aad u xiiso badan oo caawa dhaxmaray degmooyinka kala ah Baardheere iyo Afgooye ayaa sida caadada ah degmo waliba waxaa lawaydiiyay ilaa 7-su'aalood.
Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa caawa waxa u suuro gashay in ay keenaan dhibco gaaraya ilaa 10-dhibcood halka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ay iyana keensadeen dhibco gaaraya ilaa 4-dhibcoo sidaasi daraadeedna waxa ay caawa guushu raacday Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Tartanka ayaa waxa uu ahaa caawa mid xiiso gooni ah xambaarsanaa maadama ay kuwada tartamayaan goboladada Gedo iyo Sh/hoose.
Habeenkii xalay ayaa barnaamijka tartan aqooneedka shabelle waxa kuwada tartamay degmada Baydhabo ee gobolka Bay iyo waliba degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana gabagabadii barnaamijka ay guushu raacday degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo degmada Baydhabo kaga badisay ilaa 10-dhibcood iyo waxba.
Habeen danbe ayaa hadii Ilaah idmo waxaa laguwadaa in Barnaamijka tartan Aqooneedka Shabelle ay kuwada tartamaan degmooyinka kala ah Awdheegle iyo Garasbaaleey.