Dagaalo culus oo ka bilowday saakay inta badan xaafadaha galbeed ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda dowladda iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ayaa haatan waxa ay ka socdaan Xafadaha galbeed Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo bilowday saakay aroor hore ayaa yimid kadib markii ay Ciidamada Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Xaafadaha Galbeed ee Magaalada Baladweyne.
Dagaalka u dhaxeeya labada dhinac oo in mudo ah socday ayaa wararka laga helayo halkaasi waxaa ay sheegayaan in Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan Xaafado ka mid ah galbeedka Baladweyne.
Ilaa iyo hadda lama oga qasaraaha dagaalka uu u geystay balse dhinacyada dagaalamaya iyo dad rayid ah waxaana dagaaladu ay qal qal galiyeen dadka rayid ah ee ku dhaqan Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii uu Illaah Inoo saamaxo.
Make dua
