Dagaal lagu jabiyay dhabaqoodhiga oo ka dhacay Biyacade

ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Dagaal lagu jabiyay dhabaqoodhiga oo ka dhacay Biyacade

Post by ina aadan »

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Godey ayaa waxay ku soo waramayaan in ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF iyo maleeshiyaad ka baxay magaalada Godey uu dagaal ku dhexmaray meesha loo yaqaano Biyacadde oo 18km dhinaca waqooyi kaga beegan magaakada Abaaqaroow.

Warsidaha Dhanaan.com oo xidhiidh toos ah la sameeyay magaalada Godey ayaa loo xaqiijiyey dagaalka iyo waliba magacyada qaar ka mid ah dadkii dagaalka ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba.

Dagaalkan ayaa sida naloo xaqiijiyey Jabhaddu cagta ku marisay maleeshiyadii iyadoo goobtii ku dishay 4 kamid ahaa maleeshiyadii 2-kalena ku dhaawacday halka 5 kalena ilaa iyo hada la la'yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Maleeshiyada ay jabhaddu dishay ayaa waxaa kamid ah madixii maleeshiyada degmada Godey iyo ku xigeenkiisii,waxaana magacyada qaar kamid ah maleeshiyadii dagaalka ku dhimatay naloogu sheegay:-

Cabdi -Ku xigeenka madaxa maleeshiyada magaalada Godey.
Ina Suldaan- ka tirsanaa Booliska magaalada Godey.
Indha gaale madixii maleeshiyada magaalada Godey.

Waxaan akhristayaasha ka raali gelinaynaa inaysan noo suurta gelin inaan helno magacyada dadkan oo dhameystiran.

Xaga Jabhadda ma hayno wax war ah oo sheegaya in dagaalkan uu khasaare ka soo gaadhay iyo in kale.

Dhanka kale waxaa weli war laga la'yahay 5-kamid ahaa maleeshiyadii dagaalka la gashay ciidamada Jabhadda ONLF iyadoo markii aragti ugu dambaysay la sheegay in Ciidamada Jabhaddu ay sii caydhsanayeen.

Wararka ka imaanaya dhanka magaalada Iimeey ayaa waxa ay sheegayaan in maydadkii maleeshiyada ee goobta dagaalka looga cararay ay maanta aaseen madaxda maamulka degmada Iimeey.

Isku soo duuboo waxaa baryahan dambe soo badanaya dhaq dhaqaaqyada Jabhaddu ay ka wado Gobolka iyadoo goobo kala duwan laga soo sheegayo dagaalo ay Jabhaddu la gashay ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Liyuu Police iyo kuwa Itoobiyaba.


Hanqadh shaqadaadi ayaan qabanayae ku mee :lol:
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Dagaal lagu jabiyay dhabaqoodhiga oo ka dhacay Biyacade

Post by hanqadh »

:lol: :lol:

ina adan waa inaan is casila bay noqotay ba ee hadaad jagadaan hayay iiga taag ronaatay. :lol:

Ina adan wa war fiican waxaan ku dari lahaa

in qabribayax ee jigjiga dhabaqoodhiga isna lagu miray oo 30 baa looga tagay goobtii dagaalka...wixii hogaaminayayna kuli jahanama loo diray
xabashidana gobolka jarar iyo nogob baa dagaalo lagu jabiyay, oo walima hub cul culus lagaga qabsaday....sagag iyo xamaro
sido kale dollo.
dagaalkadu wey badan yihiin, intaas baan maqlay, laakiin dagaalku waa mid socda maalinkasata

xabashidii dagaal Onlf kaga awood badnaan weysay markaa shacabkii bay ku kacday.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”