Page 1 of 1

Rain at last in Badhan and Buraan (sanaag)

Posted: Mon Sep 07, 2009 10:29 am
by sheekh-Farax-zero
Roobabkii Dayrta ayaa si wayn uga da,ay Markii u horeysey degaano ka Mida sanaag iyo Hayland waxaana roobabkani ay si wayn ilaa iminka uga soconayaan qaybo ka mida Meelaha baadiyaha ah ee ay ku dhaqan yihiin dadka reer Guuraaga ah ,waxaana lugu soo waramayaa in dad badan oo ku dhaqan baadiyaha ay caawa xerada xoolohoodu tahay mid dhex Cegagaan biyihii roobka xili ay abaaro daashadeen Goboladaasi.




Magaalada Badhan ee Xarunta 2aad ee Sanaag ayaa Galabta gabal gaabkii waxaa ka da,ay Roobab aad loogu diirsaday roobkaasi oo badiba biyo dhigay meelaha qaarkood isla markaasina si wayn loogu Nastay xili Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ay ka jirtey Biyo yaraan laga soo sheegayey Dhowaanahaba,talaabadasina waxay meesha ka saartay inay dadku ka cabaan raxmaadka ilaahay u shubay.




Degmada Buraan ee Gobolka Sanaaga yaa sidoo kale waxaa caawa Roob lugu diirsaday uu ka da,ay xili ay ahayd Bacadal afurkii ka dib markii salaada maqrib la tukadey xiligaasi oo dadka degmada Buraan ay ku guda jireen afuradii ayaa waxaa roobkani uu soconayey inta u dhexaysa ilaa cishihii Lakiinse roobkan degmada Buraan waxaa ay biyihiisu ku badanyihiin baadiyaha ku xeeran Magaalada Gudeheeda wayse qabowdey Lakiin biyo daad ah ma soo marsiin roobkaasi Doxooyinka Buraan.




Degmada ceel buh ee gobolka sanaag ayaa iyana caawa waxaa ka curtay roobkii dayta roobabakan oo ahaa kuwo inta badan si wayn uga da,ayey Guud ahaan Gobolka iyo dhanka Buurta ayaa Caawa waxaa Hilacooda iyo Onkodkooda laga Maqlayaa Inta badan Degaanadaasi waxaana ay ku soo waramayaan dadka ku dhaqan degaanadaasi inay iminka xaaladu u muuqto mid ilaahay ka Fududeyey Umadiisa oo qabow iyo rays uu dhulku noqday xili abaaraha iyo bisha baraykaysan ay isu raceen dadka degaanadaasi oo ah dad aan cidina wax gacan ah ka geysan wixii soo gaara Lakiin subar ilaahay wax walba ugu qadaro.

Re: Rain at last in Badhan and Buraan (sanaag)

Posted: Mon Sep 07, 2009 10:55 am
by The_Emperior5
mashallah somaliland wa barwaaqo :sland: :up:

Re: Rain at last in Badhan and Buraan (sanaag)

Posted: Mon Sep 07, 2009 11:33 am
by sheekh-Farax-zero
there is no presence of iidoor militia in Badhan or Makhir as whole,

Re: Rain at last in Badhan and Buraan (sanaag)

Posted: Mon Sep 07, 2009 2:06 pm
by ire.
Mashallah :heart:
The_Emperior5 wrote:mashallah somaliland wa barwaaqo :sland: :up:
May a Somaliland that includes Badhan NEVER be recognized - amiin, amiin, amiin.

:som:

Re: Rain at last in Badhan and Buraan (sanaag)

Posted: Mon Sep 07, 2009 3:05 pm
by Advo
lol@somaliland, ma dhuuso baa ciriiri jeclaa?

Re: Rain at last in Badhan and Buraan (sanaag)

Posted: Mon Sep 07, 2009 3:21 pm
by Babygirl-
Advo wrote:lol@somaliland, ma dhuuso baa ciriiri jeclaa?
:lol: :lol:

Re: Rain at last in Badhan and Buraan (sanaag)

Posted: Tue Sep 08, 2009 11:00 am
by sheekh-Farax-zero
:lol: :lol:

Re: Rain at last in Badhan and Buraan (sanaag)

Posted: Tue Sep 08, 2009 1:51 pm
by abdisamad3
Advo wrote:lol@somaliland, ma dhuuso baa ciriiri jeclaa?
:lol: :lol: :lol: :lol: