Jaamacada Bariga Africa oo xarun Cusub ka furtay Garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Jaamacada Bariga Africa oo xarun Cusub ka furtay Garowe

Post by sheekh-Farax-zero »

September 10, 2009 filed under NEWS IN SOMALI

Jaamacada Bariga Africa oo xarun Cusub ka furtay Garowe | read this item Cabdiraxmaan Maxamed Muuse (Ilkacase)
Wakiilka Horseed Media ee Garoowe

Waxaa maanta lugu qabtay Xarunta Hormarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee PDRC ee Magaalada Garowe, xaflad xariga looga jarayay xarun cusub oo Jaamacada Bariga Africa rabto in ay ka hergaliso gudaha Magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Xafladaan oo goob joog ka ahayeen xubna kala duwan oo iskugu jira Golaha xukuumda, Golaha wakiilda, Saraakiisha dugsiyada waxbarashada, Maamilka wasaarada waxabarashada iyo aqoon yahano iyo dad wayne kale.

Munasabadaan ayaa waxaa hadalo kooban ka jeediyay xubna kala duwan, Jaamac Xaaji Warsame oo ka mid ahaa madaxda Jaamacada Bariga Africa waxa uu sheegay in Jaamacadda wax badan soo qabatay mudadii ay jirtay islamarkaan ku tilaabsatay tilaabooyin wax ku ool ah sida uu hadalka u dhigay

Gudoomiyha jJmacadan bariga africa Porf.Maxamed Cabdi Aadan oo asna hadal kooban ka jeediyay xaflada ayaa dhinaciisa sheegay in jaamacda bariga Afrika mudadii ay jirtay ay ka qalin jabiyeen arday kala duwan kuwaa oo iskugu jira dumar iyo rag waxuuna tirada ardayda ka qalin jabisay ku sheegay 478 arday kuwaa oo ka qalin jabshay afarta kuliyadood ee kala ah Shareecada, Maamulka iyo maraynta,
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”