Golaha Dhaqanka Sade Beri Oo Ka Soo Horjeestey Arrimo Shidaa

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Golaha Dhaqanka Sade Beri Oo Ka Soo Horjeestey Arrimo Shidaa

Post by CoolPoisons »

Golaha Dhaqanka Sade Beri Oo Ka Soo Horjeestey Arrimo Shidaal Baris Oo Itoobiya Ka Wado Dhulkooda

Golaha dhaqanka beesha Sade Bari ayaa Diidey isla markaaana ka soo horjeestey faragalin ciidmada Itoobiya iyo shirkado weheliya ay ka wadaan deegaanka Balli-howd oodhaca inta u dhaxeeya magaalooyinka Dhabad iyo Caabudwaaq ee G/galgudud.

Xubno ka tirsan maamulka dhaqanka beesha Sade-Bari ayaa sheegay in ay diideeen codsi kaga yimid dhinaca dowlada Itoobiya oo ahaa in ay ka sameeyaan wadooyin inta udhaxeysa Dhabad oo katirsan G/guduud iyo Degmada Shilaabo oo kamid dhulka Ismaamulka Ssomalida ee ay maamusho Dowlada Itoobiya.

Codsiga itoobiya ayaa yimid kadib markii ay yimaadeen deegaanka Bali-howd Campany qaabilsan rasta sameyn ama dhabo falid aan la ogeyn micnaha ka danbeeyey iyo ujeedada ay ka leedahey dowlada Itoobiya oo waqtiyadii ugu danbeeyey howlo ku aadan arintaasi ka wadey dhulka ismaamulka ayadoo ku soo dhaweysay ama ay soo galisey xadka Somaliya waxaana Campanigan qaabilsan arinta shidaal baarinta iyo dhabo falida gaar kahaya ciidamo Ethiopian ah oo wata dabaabaad dagaalka iyo diyaarado nooca qumaatiga u kaca kuwaasi oo dusha iyo dhulkaba ka waardiyeynaya shirkada ku howlan arinta dhulka.

Ilo wareedyo u dhuun dulela arrimaha Campany-ga iyo ciidamada Itoobiya ayaa heegay in ay oga goleeyihiin howlaha ay ka wadaan gobolka sidii ay uga neefin lahaayeen ceelal shidaal deeganada Miir qaliif iyo Shilaabo arintan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiiyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xoola dhaqatada Somaliyeed oo u’aka in ay tahey dhibaato dadka iyo deegaanka ku soo fool leh hadii aan laga hortagin faragalinta ay Dowlada Itoobiya ku heyso Somalia.

labadoo maalmood ee ug danbeysey ayaa waxaa deegaanada ay ku sugan yihin ciidamada Itoobiya iyo Campany-ga lagu arkayey diyaaradaha qumaatiga u kaca kuwaasi oo kala didiyey xoolaha ka dib markii ay ugu tageen ama ay dulmareen deegaanada ay daaqsiga ujoogeen iyagoo cabsi ku abuura dadka xoola jirka ah.

Si kastey ahaataba ma jirto wax wara oo ilaa iyo iminka ka yimid DKG ee Somaliya oo ku aadan xadgudubka Dowlada Itoobiya ay ku soo sameysay Xadka Somaliya ,taasi oo dadka ka soo jeeda degaamadaasi ay u arkaan dhibaato dhulkooda ku soo fool leh.

C/kariin Axmed Bulxan

Caabudwaaq-Gedo-News

Gedonet.com@gmail.com
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Golaha Dhaqanka Sade Beri Oo Ka Soo Horjeestey Arrimo Shidaa

Post by CoolPoisons »

West Galgadud has a lot of potential. There's oil and uraniam. we need to tap that shiid
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”