




Rugta Ganacsiga PL oo Qabatay Dood ku aadan kahortaga Qasaaraha Ganacsiga...
Dood-wadaag ku saabsan khasaarooyinka dhaqaale ee gaadiidka bada ee ganacsiga Puntland ayaa galabnimadii 09/09/09 waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel Juba Bosaso.
Kulankaan oo aay soo qaban-qaabisey Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland aayna kasoo qayb galeen Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Eng.C/laahi Cali Xersi,Dekadaha iyo Gaadiidka Bada Eng.C/risaaq Xuseen Gacayte,Wasiir kuxigeenka Maaliyada Maxamed C/laahi Bootaan..Xubno ka socda qaybaha kala duwan ee ganacsatada,aqoon-yahano kala duwan ayaa si weyn loogu lafagurey khasaaraha Gaadiidka bada sababihiisa,kahortaga iyo xalalka la heli karo.
Doodaan ayaa imaanaysa kadib khasaare baaxad leh oo ka dhashay markab dhawaan kasoo baxay Dubai oo ku degay bada-cad kaasoo waday badeecooyin ganacsi aayna ku dhuntay hanti aad u fara-badan.
Xog-hayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Puntland Axmed Ciise Maxamuud oo xiriirinayay dooda ayaa waxuu kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Md.Maxamud Xayir Ibraahim oo furey shirkaas isagoo tilmaamay ahmiyada aay leedahay doodaan iyo in xal loo helo shilalkaas dhabar-jabka dhaqaale ku ah ganacsatada iyo dhaqaalaha dalkaba,isagoo tacsi u direy dhamaan ganacsatadii reer Puntland ee hantidu kaga dhuntay shilkii u danbeeyay. Waxuuna ku baaqay in dhamaan dowlada iyo ganacsatada aay kawada-shaqeeyaan sidii la iskaga kaashan lahaa kahortaga dhibaatadaan oo kale. Waxuuna ku booriyey kaqayb galayaashu inay keenaan talooyin dhaxal-gal ah oo lagaga badbaado khataraha shilalka bada.
Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo khudbad halkaas ka jeediyey ayaa waxuu soo bandhigay darsi(Presentation) ku saabsan gaadiidka badaha iyo xaqiiqooyin ku saabsan doorka aay ku leeyihiin dhaqaalaha aduunka isagoo soo bandhigay warbixino iyo daraasado aay arimahaas ka diyaariyeen heyadaha IMO(International Maritime Organisation) iyo UNCTAD.
Siciid waxuu iftiimiyey in doodaha noocaan oo kale aay rugtu wadi doonto kuwaas oo lagu falan-qayn doono arimaha caamka ah ee khuseeya ganacsiga,dhaqaalaha,horumarka iwm.waxaa kale bandhiga lagu daawaday Film Documentry ah oo muujinaya shilalka bada.
Sh.Fu,aad Maxamud Xaaji Maareeyaha Shirkada Cusub ee Korontada ee SEPCO oo isna halkaas ka jeediyay hadal iskugu jira wacdi diini ah iyo boorin in dowlad iyo shiciba loo istaago sidii wax looga qaban lahaa dhibka taagan isagoo ku taliyay in loo howl galo waasicinta dekada si maraakiib weyn oo tayo lihi u yimaadaan,isagoo codsaday in ganacsatadii khasaarahu gaaray loo sameeyo cawil(Compensation).
Eng.Maxamed C/Qaadir oo kasocday Shirkada albixaar ayaa isaguna waxuu si weyn u bogaadiyay barnaamijkaan aay soo qaban-qaabisey Rugtu isagoo xusey in aay aad ugu faraxsan yihiin in Rugtu aay bilowday inay fuliso barnaamijyadii waxqabad ee aay ganacsatadu ku naaloonayeen markii aay dhisanayeen Rugta.
Waxuu codsaday iyadoo Shareecada la waafajinayo in laga fekero Caymis in la hirgaliyo(Insurance) si looga badbaado khasaaraha gaadiidka.
Faarax Xaaji Mire oo kasocday shirkada Isgaarsiinta Golis oo isna microfone-ka lagu soo dhaweeyay ayaa si weyn u faahfaahiyey bad-xiranka iyo khataraha bada xiliyada aay dhacaan iyo sidii dowladii hore ee soomaaliya aay xilka iskaga saari jirtay inaan xiliga khatarahu jiraan badda lagu safri Karin ganacsi iyo wax kale toona.
Isagoo ku baaqay in xiliga bad-xiranka ganacsatadu aay iska nastaan oo joojiyaan in aan bada lagu haligin xoolaha mar hadaan la hayn gaadiid Caymis ku jira oo uu ku taliyey in la baadi goobo.
Captan Muumin oo ah khabiir xaga bad-maaxida ah oo isna khudbad jeediyay ayaa si weyn oo khibradi ku dheehan tahay uga sheekeeyay khatarta bada iyo dhaliilaha ganacstada soo kireysanaysa gaadiidka howlgabka noqday ee laga soo masaafuriyey dalalkoodii si scrap looga dhigo. Waxuuna codsaday in hubin joogto ah lagu sameeyo gaadiidka soo galaya dekada iyo inay ku haboon yihiin in lasoo rarto iyo inkale.
Dr.Bile C/laahi oo ku hadlay magaca aqoonyahankii kasoo qaybgalay dooda ayaa isaguna si weyn u bogaadiyey Rugta Ganacsiga iyo dooda qiimaha leh ee aay soo qabanqaabisey waxuuna faallo dheer ka bixiyey qiimaha aay ku fadhido mataanaynta dowlada iyo ganacsiga khaaska(Public Private Partnership) isagoo tusaaleyaal badan kasoo qaatay dalka Malaysia iyo horumarka aay arintaas ka sameeyeen,sheegayna in Puntland ay waxbadan ka kororsan karto tijaabooyinka dalalka kale ee aduunka.
Wasiir Kuxigeenka Maaliyada Maxed C/laahi Bootaan oo hadalka qaatay ayaa ka jawaabay waxbadan oo ganacsadu kahadleen isagoo sheegay in burcad badeedu aay meesha ka saartay suurtagalnimada caymis in la helo,waxuuna wasiirku ku taliyay taas badelkeeda in la aasaaso hey’ad sahasha helitaanka gaadiid tayo leh khidmad yarna lagu siiyo adeegaas heyadaas oo aay ganacsatadu ku mideysan yihiin.
Waxuu wasiirku sheegay in kala shakigii ka dhex jiri jirey ganacsatada iyo dowladihii hore meesha laga saaro lana horumariyo ifafaalaha cusub ee isfaham ee hada socda.
waxuuna balan qaaday inay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan ganacsatada wax allaale waxii kaga aadan sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Bada Eng.C/risaaq Xuseen Gacayte oo halkaan ka hadlay ayaa amaanay doodaan Rugtu soo qabatay isagoo ku tilmaamay isku day horumar leh,waxuuna u tacsiyeeyay ganacsatadii khasaarahu gaaray,wasiirku waxuu ku taliyay in la sameeyo Heyad qaabilsan saadaasha Hawada weliba dhinaca dabaylaha bada taas oo wax weyn ka tari karta kahortaga khatarta,isagoo tilmaamay inay wasaaradiisu ku dedaali doonto hubinta gaadiidka imaanaya tayadooda.
C/raxmaan Maxamed C/laahi Maareeyaha Shirkada Kalluunka ee Laasqorey oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamey in wax cad oo la taaban karo oo taageero lagu dhawaaqo oo loo sameynayo ganacsatadii khasaaraha weyn ka gaaray markabka degay isagoo tilmaamay in tacsiyeyn kaliya aaysan ku filnayn waxuuna booriyay in la sii wado wada-shaqaynta ganacsatada iyo dowlada si loogaaro ujeedooyinka umadeed ee horumarka.
C/laahi Xersi Cali oo ka socday shirkada Horseed oo ka mid ah shirkadaha Markabku ka degay ayaa ka mahad-naqay sida wanaagsan ee barnaamijka loo soo qaban-qaabiyey looguna tacsiyeyay waxuuna ka codsaday Heyadaha Dowlada sida Maaliyada inay u baahan yihiin waxtar iyo dhaqaalayn intaas ka weyn.
Gabagabadii Waxaa isaguna hadalka lagu soo dhaweeyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Eng.C/laahi Cali Xersi oo amaan iyo bogaadin usoo jeediyay Doodaan qiimaha leh ee aay Rugta ganacsigu soo qaban-qaabisey. Waxuuna tacsi u direy ganacsatadii xoolahu ka khasaareen,wasiirku waxuu sheegay inay adag tahay in bada la xiro waayo ganacsiga iyo nolosha dadku dekada ayay ku xiran tahay taas bedelkeeda waxuu sheegay inay ganacstadu gaadiid tayo leh kireystaan oo lacagta huraan si aay uga badbaadaan khasaaraha weyn ee hada dhacay.
Wasiirku waxuu sheegay in Wasaarada Ganacsigu aay taageerayso in taageero(Compensation) loo raadiyo ganacsatadii khasaarahu gaaray isagoo xusey inuu golaha dowladda u gudbin doono waxii talo ah ee arintaas aay kasoo gubdiyaan ganacsatada iyo Rugta Ganacsigu.
Gabagabadii Shirka waxaa soo xirey dooda Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir waxuuna soo koobay qodobadii doodahu isku raaceen isagoo balan-qaaday in arintaan iyagoo kala shaqaynaya Wasaaradaha aay khuseyso aay warmurtiyeed rasmi ah kasoo saari doonaan waqtiga dhow.
SBC International Boosaaso