Ciidamada Booliska oo Soo Qabqabtay Dad Masoomayaal ah.
September 13, 2009
Ciidamada Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa hawlgalo ay ka sameyeen qaybo kamid ah xaafadaha magaalada waxa ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ganacta ku soo dhigeen dad lagu soo eedeeyey in ay ahaayeen Masoomayaal kuwaasi oo cunooyin ku karsanayey qaybo kamid xaafadaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari.
Taliyaha Saldhiga dhexe ee Booliska magaalada Boosaaso G/dhexe C/raxmaan Qaybdiid Ciise oo maanta u waramayey Barnaamijka Xogogaal ee ka baxa duhurkii Idaacad horseedmedia ayaa waxa uu sheegay in hawlgalkooda uu ku aadan yahay sidii ay gacanta ugu soo dhigi la hayeen dadka kariya cuntada xaraanta ah bisha ramadaan oo lagu guda jiro.
waxaana uu taliyahhu intaasi ku daray in ay hawlgal baaxad weyn ay ciidamada Booliska ee magaalada Boosaaso ay shalay ka bilabeen xaafadaha kala ah Xaafatu carab iyo xaafada Suweyto,isagoo sheegay in ay ku soo qab qabteen hawlgalkaasi dad gaaraya 21 qof oo kal ah 8 dumar ah ,13 rag ah iyo qalabkii ay ku kasanayeen cuntada iyo raashin aan wali la isticmaalin (Qayriin).
C/raxmaan Qaybdiid Ciise waxa uu sheegay in ay wali ay ku guda jiraan hawlgalo kale oo ay ku doonayaan in ay ku soo qabqabtaan goobaha kale oo loogu sheegay in cunada xaraanta ah lagu kariyo ayan wadi doonaan hawlgalada ay ka hortagayaan dadka iyagu caadeystay in ay xiliga ramadaanka ay cuntada ku kariyaan magaalada gudaheeda ,isagoona intaasi raaciyey in maxkamad la hor keeni doono si sharaciga loogu qaado dadka ay iminka soo qab qabteen.
Arimahan ku aadan hawlgaladan lagu soo qabqabtay dadka isugu jira raga iyo dumar ayaa waxa uu ku soo beegmayaan xili bishii ramadaan ay ay ka harsan tahay muddo ka yar todobaad iydoon ay aad u soo dhaweyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso.
Shabab no need to focus on puntland, wa meel shariah laga taliyo.
Bossaso Police Arrest Fast-Breaker
Moderator: Moderators
-
- Posts: 227
- Joined: Sat Sep 12, 2009 10:05 am
- Location: Puntland Always And Forever. So Help Me God!!!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 648 Views
-
Last post by Ahmed-Gurey
-
- 0 Replies
- 727 Views
-
Last post by bluelovelady
-
- 0 Replies
- 353 Views
-
Last post by Osman-NZ
-
- 0 Replies
- 411 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 423 Views
-
Last post by Mtombaji
-
- 11 Replies
- 986 Views
-
Last post by Scarletmoon1
-
- 2 Replies
- 706 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 372 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 811 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 4 Replies
- 913 Views
-
Last post by usman-84