Xabashida oo shaqaalaha degaanka u diraya goobaha dagaalka

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Xabashida oo shaqaalaha degaanka u diraya goobaha dagaalka

Post by hanqadh »

Wararka naga soo gaadhaya Jigjiga ayaa sheegaya in huuraale Tawelde iyo dabadhilfyadisii la joogay uu jahawreer badan haysto iyagoo hadda albaabada u xidhey dhamaan xafiisyadii dalka oo ku amrey shaqaalihii madaniga ahaa inay aadaan goobaha dagaalka ka dib markay ciidamadii gumaysiga diideen inay ku dhiiradaan ka hortagga CWXO.
Nin jooga jigjiga oo la soo xiriiray wariyayaasha wakaalada u jooga halkaa ayaa u sheegay inuu ka mid ahaa shaqaale lagu amray inay doontaan jabhadda oo ku sugnayd meel u dhexeysa Godey iyo Qalaafe. Waan baxnay buu yidhi anagoon inta badan shaqaalaha ayna waxba ka aqoon hubka aan sidano iyo si loo rido toona ama loo dagaalamo. Waxaa noogu darnayd buu yidhi markii naloo sheegay inaan soo galnay aagii ay jabhadda joogtay. Qaar nala socday ayaa suuxay oon moodnayba inay nafta ka baxday, qaarna xabadoon dhicin ayay carareen oo ilaa iyo hadda qaarbaa la la’yahay. Waxaan kala soo noqonay goobtii guuldaro balaadhan iyo anagoo sidana dhaawac iyo maydba. Waxaa la yaab nugu noqotay buu yidhi markaan soo gaarnay xeradii nalaga diray su’aashii ugu horeysay ee sargaalkii na diray oo na weydiiyay waxay ahayd; “imisa ayaad ka soo disheen nabadiidkii”. Horay ayaan u ogayn oo hadaan dhahno waxba kama aanan soo dilin waxaa nugu dhici wax ka daran wixii noo soo gaaray, sidaa darteed waxaan ku tashanay inaan sheegno inaan qaar bandanna ka soo dilnay, dhaawac badana aan kaga soo tagnay goobtii oon kala firdhinay nabad-diidkii. Intuu gacanta kor u qaaday ayuu halkii ka dhaqaaqay isagoon xataa na weydiinin dhibaatada na soo gaadhay.

Qorshaha gumaysiga ee ah in dad madani ah oon tababar ciidan lahayn lagu daadiyo goobaha dagaalka ayay shaqaalaha la yaabanyihiin ujeedada ay ka leeyihiin Wayanaha. Marka la weydiiyo arintan maamul ku sheega Jigjiga, jawaabta kaliyahee ay siiyaan shaqaalahan waxay noqotay dalka waa inaan ka difaacanaa nabad-diidka, taasoo loo fasirtay inay ciidankii gumaysiga diideen inay dagaalka galaan.

CWXO waxay dhowr jeer oo hore uga digeen dadweynaha Ogadenya inay iska ilaaliyaan shirqoolka gumaysiga doonaya inay gabaad u noqdaan ciidankiisa aan niyadda u haynin dagaalka. CWXO waxaa loo tababaray oo loo hubeeyay inay gumaysiga ka xoreeyaan dalkeena, hadafka iyo ujeedada ay duurka u galeena waa midkaa. Waa ciidan leh tababar aad uga sareeya midka saama-la-luudka gumaysiga, oo ku hawlgalaya moraal sareeya iyo aaminaada Ilaahay, sidaa darteed ayuu CWXO ugu baaqay dadweynaheena in ay dhibayso dhalinyarada la soo qasbayo ee sida baalalaydii loogu soo shubayo dabka halganka.
Qofkii aan ka waantoobin daba socodka iyo hor orodka ciidanka gumaysiga eek u soo doonta CWXO goobaha ay ka hawlgalayaan iyo fadhiisimada ay joogaan, waxaa la marin doonaa wixii ay diinta ina fartay iyo caqliga ka fayow dulaynta gumaysiga.

ONA
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”