Two foreigners jailed in Bosaso

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Two foreigners jailed in Bosaso

Post by sheekh-Farax-zero »

Waxaa maanta xabsiga Bosaso loo dhaadhiciyey laba nin oo u kala dhashey dalalka Ingriiska iyo Kenya, labadan nin ayaa ka mid ahaa shaqaale saarnaa laba diyaaradood oo todobaadkii la soo dhaafey keenay Puntland 23 nin oo burcad badeed ah kuwaan oo la rabay in lagu badasho sadex nin oo u dhashey Jasiirada ku taala Badweynta Hindiya Seychelles,

Dawladda Puntland ayaa diyaaradda iyo shaqaale gaaraya 10 nin ku qabatay Gaalakcyo kadib markii ay burcad badeeda ka dejisey garoon macmal ah oo ku yaala Garacad, waxaa la sii daayey labadii diyaaradood kadib markii laga qaadey lacag ganaax ah oo lagu xukumey taas oo dawladdu aysan faah faahin ka bixin cadadfka lacagtaas, waxaana laga reebay diyaaradda Sadexdii nin ee u dhashey Jasiirada Seychelles iyo laba nin oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen dullaaliinta burcad badeeda.

Waxaa xabsiga laga siidaayey sadexdii nin ee u dhashey Jasiirada Seychelles kadib markii ay cadaatey in ay iyagu ahaayeen dhibanayaal muddo dheerna afduub loogu haystey Somaliya, waxaana ka qaadey Caasimadda Garoowe Diyaarad gaar, waxaana dawladda Puntland ay ku wareejisey Safaaradda Seychelles ee dalka Kenya.

Labada nin ee xabsiga loo dhaadhiciyey ayaa la tuhunsan yahay in ay yihiin dulaaliinta waa weyn ee burcad badeeda, waxaana weli ku socda baaritaano dheeraad ah, labada nin ayaa lagu kala magacaabaa Shucayb Cabdixabiib oo keenyaati ah iyo Robin Dean oo Britan u dhashey
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”