Xiingalool(bosaso-Media)- Warar ka imaanaya Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa waxaa ay ku soo waramayaan in habeenkii xalay tiro dad ah uu deegaankaa Masas ay ku laayeen halka qaar kalena ay dhaawaceen,sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha degmadaasi Yuusuf Faarax Siciid.
Guddoomiyaha Degmada Xiingalool ayaa waxaa shaaca ka qaaday in qaniinyada Masaska uu u geeriyooday halka,afar kale ay dhaawaceen Masasku,isagoo ku macneeyay masaska iminka dhaawacyada u geystay dadka deegaanka xiliga oo aad u kululaaday oo masasku ay dhulka u adkaysan waayeen ka dib markay banaanka u soo baxeen ay dadka dhibaato u geysteen.
Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in dadka ay masasku dhaawaceen loola cararay degmada Dhahar oo oo ka tirsan isla G/Sanaag iyo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari,waxaana uu guddoomiyuhu sheegay in degmadu wax xarun caafimaada aysan lahayn taasina ay ka dambaysay in dadkaasi loola cararo magaalooyinka ku dhaw dhaw sida uu sheegay isbitaal iminka gacanta lagu hayo maahee oo hada qabyaa.
Waxaana wararku ay intaa ku darayaan in masaskaani ay dadka ku soo kala qaniineen meelo ka duwan oo ka tirsan degmada Xiingalool,waxaana dadkaan qaar ka mid masasku ku soo kala qaniineen meel ka baxsan degmada oo 4 Kilo mitir u jirta labo ka mid ahna ay ku qaniineen gudaha degmada,gudoomiyaha ayaa sidoo kalena sheegay in masaska badan koodu ay dadka qaniineen abaaro 8:00PM waa sida uu guddoomiyuhu hadalka u dhigaye.
Dhanka kale Yuusuf Faarax Siciid guddoomiyaha degmada Xiin-galool ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in degmadaasi ay ka jiraan islamarkaasi xoolihii ay noqdeen kuwo gabaabsiya dadkuna ay ku dabo jiraan,guddoomiyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in xaalka degmadaasi uu yahay mid allow sahala oo dadka iyo duunyaduba ay khatar ku jiraan.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheegay in hada waxa ugu daran ee dadka deegaanku ay eedsheeganayaan ay tahay masaska dhibaatada u gaysanaya xiliyada habeen kii ah oo ay dhulka ka soo baxaan,isagoo guddoomiye Yuusuf Faarax Siciid uu sheegay in marka lagaaro xiligaan oo kale ay masasku iska soo baxaan kulayl awgiis.
bosaso-Media News Desk.
