

Diyaar Garowga Ciidul Fidriga oo Laga Dareemayo Suuqyada Magaalada Boosaaso (Warbixin + Sawiro)
Published on: September 15,2009 Garowe Time 11:19 am
Diyaar garow xoogan oo loogu jiro munaasabada ciidul Fidriga ayaa laga dareemayaa suuqyada waaweyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Qeybaha kala duuwan ee suuqa Boosaaso sida dharka, alaabaha guryaha, meelaha macmacaanada iyo goobaha la isku qurxiyo ayaa lagu arkayaa dad raxanraxan u socda oo iibsanaya waxyaabo kala duwan oo ay ugu diyaargaroobayaan Ciida oo hadda ay ka dhiman tahay wax ka yar todobaad.
Guud ahaan magaalada ayaa waddooyinkeedu yihiin ciriiri dadka iyo gawaarida dartood, waxaana aad u mashquul ah goob kasta oo ganacsi oo ka mid ah magaalada.
RBC Radio oo u kuurgaley sida ay dadka ugu diyaar garoobayaan ciidda ayaa sida dadku sheegeen waxaa sanadkan la filayaa in ciidda si weyn dadku u wada ciidaan, waxaa taasi sii caawinaya iyadoo dadku mar wada soomeen marna wada afuri doonaan.
Marka aad soo marto qeybaha kala duwan ee suuqyada Boosaaso waxaad la kulmaysaa dad u badan carruur yar yar oo la socda waalidoontooda kuna socda suuqa si ay uga soo iibsadaan dharka iyo alaabaha ciidda ama iyagoo ka soo laabtey, waxaa sidoo kale saxmada ay saameysey goobaha laga raaco basaska magaalada dhexdeeda ka shaqeeya ee BL lo yaqaan.
Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa dharka ayaa u sheegay RBC Radio in xaalada suuqa ay hadda tahay mid sareysa ka dib markii la soo marey labo bilood oo suuq xumo ah isagoo ula jeeda in macaamiil badan hadda ay dharka ka iibsanayaan.
Laakiin dadka macamiisha ah ayaa qaarkood ka cabanaya qiimaha kulul ee dharka iyo maciishada oo weli qaali ah, taasi oo lagu micneeyey iyadoo ganacsatadu ka faa’ideysato xilligan oo kale oo ciid ah.
Faadumo Cabdi oo ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed oo aan kula kulanay suuqa dharka ee Boosaaso ayaa sheegtay inay ku adag tahay qoyska leh carruur badan inay dhamaan u wada iibiyaan dhar cusub, waayo ayey tiri, waxaa sare jooga qiimaha dharka hadda.
Waxyaabaha sida kale la iibsanayo waxaa ka mid ah qalabka qurxinta guryaha, gawaarida iyo kuwa lagu ciyaaro.
Waxaa dhaqdhaqaaqa u diyaar garowga ciidda uu ka jiraa degmooyinka iyo gobolada kale ee dalka, iyadoo ay goobahaay ka safraan gawaarida aada gobolada kala duwan ay taagan yihiin gaadiid waaweyn oo la saarayo badeecooyinka ciidda loogu talo galey. Waxaa meelaha ay gawaarida aadeyso ka mid ah degmooyinka gobolka Bari, kuwa Puntland iyo kuwa waqooyiga iyo koonfurta dalka.
Xasan Cabdi Yare oo ah ganacsade badeecadaha u qaada magaalada Lascanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in sanadkan u heysto suuq fiican maadaama sida uu sheegay dalab badan uu kaga yimuid Lascanood, taasi oo uu rajeynayo inuu ka heli doono macaash fiican.
Dhaqdhaqaaqan ganacsi waxaa lagu tilmaami karaa kii ugu sareeyey ee ay helaan ganacsatada suuqleyda ah sanadkiiba markan oo kale, waxaana aad loo rajeynayaa in uu xawli ku sii socdo tan iyo dhamaadka bishan Ramadan.
Dhinaca kale waxaa jira dad ku jira xeryaha dadka soo barakacay ee Boosaaso oo aan awoodin inay ciidda iibsadaan dhar cusub ama carruurtooda u iibiyaan, kuwaasi oo ay xitaa ku adag tahay nolosha caadiga ah.
Dhowaan ayaa ganacsatada gobolka Bari waxay dadkaasi gaarsiiyeen raashiin deeq ah si ay ugu soomaan. Waxaana weli soo baxaya baaqyo ka soo yeeraya dadkaasi Soomaaliyeed ee tabaaleysan oo ay ku codsanayaan in farxada Ciidda ay la wadaagaan walaalahood wax heysta.
Guud ahaana dhaqdhaqaaqa loogu diyaar garoobayo ciidda sanadkan waaa mid laga dareemayo meel kasta oo ka mid ah magaalada Boosaaso.