PM Sharmarke Defends Galkacyo Accord. SLAMS IBBI

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Abdi-Halim
Posts: 227
Joined: Sat Sep 12, 2009 10:05 am
Location: Puntland Always And Forever. So Help Me God!!!

PM Sharmarke Defends Galkacyo Accord. SLAMS IBBI

Post by Abdi-Halim »

Image

Sharmake oo difacey heshiis uu la galey Puntland
15 Sep 15, 2009 - 5:15:21 AM

Ra'iisul wasaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa difaacay heshiiskii uu lasoo galay maamulka Puntland isagoo sheegay inuusan burburin, isla markaana aysan waxba iska quseyn kii dhawaan ka dhacay Jabuuti.

Sharma'arke, wuxuu sheegay in heshiiskii Puntland uu ahaa mid xarumo ciidan looga sameynayo gobolkaas oo nabadoon, sida rugta ciidamada badda ee la dagaalamaya burcadbadeeda dhibaatada ka haysa biyaha Somalia.

"Heshiiskii Puntland lagu gaaray waa la meel marinayaa ma jirto cid diiday iyo cid diidi karta, waayo wuxuu ahaa mid qaatay waqti dheer, heshiiskii uu saxiixay C/raxmaan Ibbi ma ahan mid ka horimaanaya heshiiskaas" ayuu yiri Sharma'arke.


Dowladda Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa [Aug 2009] heshiis ku kala saxiixday Magaalada Gaalkacyo kaasoo ay ka mid ahaayeen in wafdiyada dowlada Somalia ay xubno ku lahaato Puntland, sidoo kalena deeqaha ay DF helo qayb laga siiyo.

"Ma jiro qodob ka mid ahaa heshiiskaas oo weli la fuliyay, waxaanse socda dadaalo lagu doonayo in lagu meel mariyo" ayuu yiri Sharma'arke, wuxuuna meesha ka saaray inay jiraan khilaafyo u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif.

Saxiixii dalka Jabuuti ka dhacay ee ay ka qaybgaleen Madaxweyne Sh. Shariif iyo Wasiiro, ayuu ku sheegay inuusan ahayn heshiis, balse uu ahaa xiriir iskaashi oo lagula dagaalamayo burcadbadeedda kaasoo ay wada dhigteen 8-dal oo ay Somalia ku jirto.

Dhanka kale, wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo duqyentii shalay lagu dilay sarkaal ay Mareykanku si weyn u doonayeen oo lagu magacaabo Saalax Cali Saalax [Nebhan] oo u dhashay dalka Kenya, kaasoo toogteen ciidamo aad ah u tababaran.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan wadahadalo u dhexeeya dowlada iyo kooxaha kasoo horjeeda, isagoo xusay in ururka Xisbul Islam ay wadahadalo hoose u socdaan, kuwaasoo lagu dhamenayo khilaafka.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: PM Sharmarke Defends Galkacyo Accord. SLAMS IBBI

Post by AbdiWahab252 »

Fat boy is on his way out.

This guy tried avoiding the same mistake (MJ greed) which killed his father but killed his political career.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”