Halyeey Danjire Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Macow236
Posts: 233
Joined: Wed Jun 10, 2009 11:11 am

Halyeey Danjire Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde)

Post by Macow236 »

Madaxweynaha Midowga Yurub oo si rasmi ah Warqadaha aqoonsiga Danjirenimo uga guddoomay Danjire Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde"

Image

Isniin, September 14, 2009(HOL): Waxaa galabta si rasmi ah warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ugu gudbiyay Midowga Yurub Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ay horay Dowladda Soomaaliya ugu magacawday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga.
Danjire Nuur Cadde ayaa wuxuu warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha kaltanka ah ee Midowga Yurub, kaasi oo uu haatan hayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Sweden Mr. Frank Belfrage.
Danjiraha Soomaaliya u fadhin Doona Midowga Yurub Nuur Cadde ayaa markii laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo wuxuu Madaxweynaha xiligan ee Midowga Yurub u gudbiyay farriin uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, taasi oo ku saabsaneyd in Dowladda Soomaaliya ay midowga Yurub ka rajeyneyso ballanqaadkii uu horay ugu sameeyay ee kala ahaa in Dowladda la siiyo dhaqaalihii loogu yaboohay shirkii caalamiga ahaa iyo weliba kaalmo dheeraad ah oo shaqooyin loogu abuuro dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada.
Madaxweynaha Midowga Yurub Mr. Frank Belfrage ayaa markaasi kaddib wuxuu weydiiyay danjire Nuur Cadde suurtagalnimada in la gaaray waqtigii ay Dowladda Soomaaliya la hadli lahayd Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Dowladda Soomaaliya si weyn uga soo horjeeda.
Danjire Nuur Cadde oo ka jawaabayay weydiintaas uga timid Madaxweynaha Midowga Yurub Mr. Frank Belfrage ayaa ku jawaabay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweysay markii uu Shiikh Xasan Daahir dib ugu soo noqday Soomaaliya dhamaadkii April 2009, iyadoo xiligaasna la filayay in Shiikh Aweys uu ka qeyb qaadan doono dib u heshiisiinta laakin wuxuu yiri Danjire Nuur Cadde waxay ahayd nasiib darro in Shiikh Aweys uu qaatay mowqif mucaaradnimo ah.
Ugu dambeyntiina, Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu hadda safiir uga noqonayaa dowladda Soomaaliya Midowga Yurub iyo Dalka Talyaaniga, waxaana dhawaan warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano, iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada Talyaaniga.
Image

Image [/QB][/QUOTE]
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”