New Govenor Of Buhoodle Begins Reformation
Posted: Wed Sep 16, 2009 7:33 am
Maamulkii loomaga caabay Gobolka Ceyn ee Puntlandl oo howlihiisii Bilaabay
Gudoomiyaha gobolka Ceyn iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa kulamo gaar gaar ah la leh, masuuliyiinta maamulka deegaanada, laamaha bulshada, waxgaradka , odayaasha gobolka iyo wasaaradaha kala duwan sida tan Amniga iyo kuwo kale, ka dib markii maalintii shalay uu safar ku soo garay magaalada Buuhoodle,
Dhowaan ayay aheyd markii xilka gudoomiye nimo ee gobolka Ceyn loo magacaabay Xariir maxamuud, waxaana uu iminka ku sugan yahay Magaalada Buuhoodle Xarunta gobolka, isagoo maanta shir balaaran isugu keenay dhinacyada kor ku xusan, kaas oo ka dhacay xarunta wasaaraha maaliyaha gobolka Ceyn ayaa waxa shir gudoominayay gudoomiyaha cusub ,
Gudoomiyaha gobolka Ceyn oo halkaasi ka Hadlay ayaa dhinacyadii halkaasi ku sugnaa u sheegay in iminka Maamulka gobolku uu bilaabi doono shaqadii iyo wax qabadkiisii, isagoo ugu booriyay in ay ka qeyb qaataan la shaqeynta maamulkan cusub ,
Isla goobtaasi waxaa lagu magacaabay gudi Nabad geliyo ah waxaana magacaamay Gudoomiyaha gobolkaasi Ceyn isagoo sheegay in uu ka shaqeyn doono gudigani Arimaha Nabad geliyada iyo Nabadeenka guud ahaan Gobolka Ceyn.
Isku soo wada duub oo talaabadan iyo car cartan uu kusoo galay maamulka gobolka waxaa soo dhaweynaya dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka waana maamulkii ugu horeeyay ee soo gaara gobolka ceyn kaas oo uu soo magacaabo madaxweynaha Haatan ee Puntland.
Cali Cismaan Yuusuf Cali Dhagjar
SBC International Buuhoodle.