Kala Shaki ka Dhex-oogmay Al-shabaab Iyo War Bixin Tilmaamaysa Qaabka Sirdoonka Maraykanku Uga Dhex Kaluumaysto Ururo Diimeedka Ka Dagaalamaaya Somalia
Mogadishu Thursday 17 Sep 2009 SMC
Ururka Al-shabaab iyo qaar kale oo ka mida islaamiyiinta ayaa waxay iminka bilaabeen in ay shaki weyn ka qaadaan dhalinyarada ku soo biiraysa kadib dilkii loo gaystay qaar kamid ah hogaamiyayaashooda.
Mid kamid ah Hoogaamiyayaasha Mucaskarka Raaskaambooni ayaa sheegay in tan iyo markii ay hawdka galeen Maraykanku basaasayeen iyaga oo dhowr jeer kala furfuray qalaab electronic ah oo ay dhigeen buuraha Raas Kaambooni iyo Buur gaabo.
Dhanka kale hoggaamiyahan oo la yidhaahdo Luqmaan Carab ayaa yidhi ”Hawada Raaskaambooni waxaa mar walba dul heehaaba Diyaaradaha Maraykanka ee wax basaasa, Ciidamada Maraykanku way iska ilaaliyaan in ay dhulka u soo degaan iyaga oo ka Baqaya waxay kala kulmi karaan”
Hogaamiyahan ayaa sheegay in 2006-kii la dilay hoggaamiyaal sare-sare oo ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Sh. Abu Cuteyba kadib markii mid ka mid ahi isticmaalay Mobile-ka loo yaqaan Thurayaha iyada oo halkaasna lagu dilay 7 ka mid hoggaamiyaashii Maxkamadaha.
Dhanka kale hogaamiyahan ayaa sheegay in ay qab qabteen dad basaasiina ah oo isugu jira somali iyo Shisheeye doonayey in ka mid noqdaan ciidamadooda iyaga oo baadhay kana helay qalab kala duwan oo electronin ah oo ay ku jiraan ku duuba codadka iyo kaamirooyin yar yar.
Ciidamada Maraykanka ayaa dhowaan dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Argagixisada Al-shabaab.
Khilaafka iyo Kala Shakiga soo kala dhexgalay Shabaab-ka iyo Shisheeyihii la safnaa....
Warar iyana iska soo daba dhacaya oo ka soo baxaya Horjoogayaasha Shabaab-ka ayaa sheegaya in shaki xoog leh oo laga cabsi qabo in uu banaanka u soo baxo uu soo kala dhexgalay Dagaalyahamiinta Shisheeye ee Al-shabaab-ka taageera iyo Al-shabaab-ka hogaankooda sare.
Khilaafkan ayaa ah sida la sheegayo mid ka dhashay Dilkii qorshaysnaa ee lagu ee fuliyey Saalax Nabhaan, kaas oo Dagaalyahamiinta Shisheeye ay uga shakiyeen ama ku tuhunsan yihiin in ay basaaseen oo ay soo maleegeen Rag magac ku leh Shabaab-ka dhexdiisa.
Ninka Maraykanka ah ee ku Been-abuurta Magaca ah Abu-mansuur Al-amriiki oo iminka si weyn loo hadal hayo ayaa waxa la sheegay in u gooni ula baxay ciidamo shisheeye u badan si uu naftiisa uga badbaadiyo dilalkan Qorshaysan ee Marayankanku ku ugaadhsanaayo Argagixisada Al-shabaab iyo Shisheeyaha la safan ee ka barbar dagaalamaaya.Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sheikh Xasan Daahir ay Dagaalyahamiinta Shisheeye ka codsadeen in uu badbaadiyo Madaamaa Qaab-sirdoon oo khatar ah laga dhex-bilaabay Al-shabaabka dhexdiisa, kaas oo halis ku nabadgelyadooda, laakin dad-dil Xasan Dahir dhankiisa weli wax war ah oo arintaa ku saabsan lagama hayo.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaan qarsoonayn in qaab xeeladeeysan oo aad loola yaabay, shakigiisana leh lagu khaarajiyey Saalax Nabhaan oo falal Argagixiso ah ka fuliyey gudaha dalka Kenya ee uu shakhsiyan ka soo jeeday gaar ahaan magaalada Mombaasa.
Shabab On Shabab Snitching
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Shabab On Shabab Snitching
Last edited by AbdiWahab252 on Thu Sep 17, 2009 8:26 pm, edited 1 time in total.
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Paddington Bear was right.....
Sh. Xasan Turki oo sheegay inay qabteen basaasiin
Kismaayo Thursday 17 Sep 2009 SMC
Madaxda Al- Shabaab ayaa habeen hore gaaray go'aan adag oo ahaa in ay baaris ku sameeyaan cid kastoo ay ku tuhmaan in ay xiriir la leedahay dawladdaha Reer Galbeedka, kana dambeysay falkii ay diyaaradaha Mareykanku ku dileen Hogaamiyaal sare oo ka tirsan Ururka Al- Shabaab.
Kooxda Raskambooni oo howsha loo xilsaaray fulinteeda ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen Shabakado isku xirnaa oo ushaqeynayay ciidamada dawladda Mareykanka, kuwaas oo lugu sheegay Basaasiin ushaqeynayay cadowga Alle, sida lugu qeexay war ka soo baxay Kooxdaasi.
Sheekh Xasan C/laahi Xirsi loona yaqaano Xasan Turki ayaa kooxdiisu ay qabteen dhalinyaro badan oo la tuhunsan yahay in ay ka mid ahaayeen kooxaha isku hadafka udagaalamaya, isla markaasna ula joogay in ay ka qabtaan Siraha iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah, kuwaas oo ka soo qaatay dawladda Mareykanka lacago ku aadan sidii ay ufulin lahaayeen howlgalo lugu bartilmaameedsado Madaxda Xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliya.
Tv-ga Al-Jazeera ayaa soo bandhigay Muuqaal muujinaya waxyaabo ay ku jiraan Camerooyin iyo qalab casri ah oo ay adeegsan jireen kooxahan la qabtay qaarkood, kuwaas oo suuragalin kara in ay Diyaaradaha dagaalka ay la socdaan xogaha Kooxdan oo dhan, waxaana lasheegay in dadkii howshan watay ama fulinayay ay ku jiraan hada gacanta Al- Shabaab.
Sheekh Lucmaan Carab ayaa sheegay in ay qabteen Qalab badan oo ay leedahay dawladda Mareykanka oo suuragaliyey in la qarxiyo Bartilmaameedyo kooxdu leedahay iyo arrimo kale oo dhamaantood ku aadan in la helo Siraha Kooxdan.
Deegaanka Buur-Gaabo oo ku dhaw Raaskambooni ayaa lasheegay in laga soo qabtay qalab ladoonayay in lugu soo xiro halkaasi, maadaama ay xarun utahay Wadaadka la yiraahdo Xasan Turki oo aad uga soo horjeeda Siyaasada Reer galbeedka iyo tan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Barre Cali Barre oo la hadlayay Tv-ga Al-Jazeera kana mid ah Dagaalyahanada Raaskambooni ayaa xaqiijiyey in ay gacantooda ku jiraan dad badan oo qaarkood ay ku tuhmayaan in ay leeyihiin masuuliyadii lugu dilay Hogaamiyaal sare oo ka tirsan kooxaha dagalka kala soo horjeeda ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya, isla markaasna wuxuu cadeeyey in ay sharciga Islaamka marin doonaan.
Siyaasiinta & Dadka Arrimaha Sirdoonka wax badan ka bartay ayaa horay usheegay in dilalkii iyo Duqeymihii lala beegsaday Xaratu Shabaabul Mujaahidiin madax ka tirsan ay ahaayeen kuwa ay wax ka abaabuleen rag ku jira gudaha Shabakadaasi, isla markaasna ay wali jiraan dad badan oo ka tirsan Kooxahaasi kana mid ah Sirdoonka dawladdaha Reer galbeedka oo la shaqeynaya.
Kooxda loo xilsaaray ogaanshaha cida ka dambeysa falalkan,lugu ogaanayo cida ku dhex jirta kooxahan ee la shaqeysa dawladda Mareykanka oo ah Kooxda Raaskambooni, waa koox uu hogaamiyo Col. Xasan Turki oo ka mid ah raga ugu sareeya Dagaalyahanada Soomaaliya, marka laga hadlayo dhinacyada dagaalada howlgalintooda iyo Baaritaanada ku aadan arrimahan, waxaana horay loo sheegay in uu soo qabtay dad badan oo doonayay in ay laftigiisa qorshayaal dileed la doonayeen. Xigasho Jidbaale.com

Re: Shabab On Shabab Snitching
Newyork,
What say you ?
What say you ?
- new-york24
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
Re: Shabab On Shabab Snitching
i think that says it all,jawasiis baa lasoo qabtay,and the mareykan's plans have suffered a major set backBarre Cali Barre oo la hadlayay Tv-ga Al-Jazeera kana mid ah Dagaalyahanada Raaskambooni ayaa xaqiijiyey in ay gacantooda ku jiraan dad badan oo qaarkood ay ku tuhmayaan in ay leeyihiin masuuliyadii lugu dilay Hogaamiyaal sare oo ka tirsan kooxaha dagalka kala soo horjeeda ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya, isla markaasna wuxuu cadeeyey in ay sharciga Islaamka marin doonaan.

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Shabab On Shabab Snitching
NewYork,

Re: Shabab On Shabab Snitching
Abdi
Bro we have suffered enough Somalia doesnt need outsiders we must solve our problems. Have you heard the spokesman of Alshabab saying
we revenged for our brother. Why he sould need to reveng for him? Nebhan had his own problems and he neednt wipe off his hands on Somalia.
Now clearly all eyes are on Somalia.

Abdi,
I never understood why the Afghan and Somali people need to suffer as playgrounds for Al Qacida while Usama's Saudi Arabia is at peace and so is Zawahiri's Egypt ?

It was long ago that all Arabs told Siyad Bare not to allow Americans to descend on Somalian space for militery base. After Iraki invention Saudi
approved to give Americans open space. What is that ? It is all damned policy going around.
Look Alshabaab said they are fighting against Kufar why they are hosting wanted people inside the country?

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 690 Views
-
Last post by paperino
-
- 6 Replies
- 1746 Views
-
Last post by Walaashiis
-
- 20 Replies
- 1998 Views
-
Last post by paperino
-
- 10 Replies
- 1111 Views
-
Last post by sahal80
-
- 2 Replies
- 1223 Views
-
Last post by snoop12
-
- 11 Replies
- 1346 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 4 Replies
- 21 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 15 Replies
- 1318 Views
-
Last post by Jaidi
-
- 2 Replies
- 366 Views
-
Last post by BaasAbuur
-
- 14 Replies
- 629 Views
-
Last post by Sugule_Navyman