Maamul goboleedka Puntland ayaa gaashaanka ku dhuftey qorshe y dhowaan ka dhawaajisey DKMG ee Soomaaliya kaasi oo ku saabsanaa in xarun loogu talo galey la dagaalanka burcad badeeda oo markeedii hore qorshuhu ahaa in laga sameeyo Puntland loo wareejiyo dalka Djibouti, taasi oo ay ku heshiiyeen DKMG iyo Puntland markii dhowaan wafdigii raisul wasaaraha DKMG ay booqasho ku yimaadeen Gaalkacyo.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland C/laahi Maxamed Aswad oo maanta wareysi siiyey RBC Radio ayaa sheegay in Puntland mowqifkeedu uu yahay inaysan ogolaan doonin in wax ka bedel lagu sameeyo heshiiskii 15-ka qodob ka koobnaa ee ay kala saxiixdeen maamulka Puntland iyo DKMG, taasi oo uu sheegay inay hadda soo baxayaan in qaar ka mid ah qodobada heshiiskaasi wax laga bedelay.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta waxa uu si gaar ah uga hadlay qodobka 7aad ee heshiiskii Galkacyo ay ku wada saxiixeen raisul wasaare Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha Puntland C/raxmaan kaasi oo qeexayey in xarunta la dagaalanka burcad badeeda oo leh agab dhameystiran laga sameeyo Puntland, maadaama ay tahay meesha burcad badeedu ka hawlgasho, qodobkaasi oo wasiirku sheegay inuu hadda u muuqdo in la bedelay.
Waxa uu wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland C/laahi Aswad is weydiiyey sababaha keena in ay fuli waayaan mar kasta oo heshiis dhexmaro DKMG iyo Puntland, waxaana uu markan eeda si gaar ah u saaray wasiirka kalluumeysiga ahna raisul wasaare ku xigeenka xukuumada KMG Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo RBC ay weydiisey in Puntland ay u muuqato inbay tartan kula jirto DKMG maadaama ay si toos ah ula gorgortamaan dowlada dhexe ayaa waxa uu sheegay inuusan sidaasi qabin, waxaana uu intaa ku daray in Puntland ay qabto inay hesho waxa ay xaqa u leedahay.
Bishii hore ayaa wafdi ka socda DKMG oo uu hogaaminayo raisul wasaaraha xukuumada Dr. Cumar C/rashiid waxay booqasho ku yimaadeen magaalada Gaalkacyo halkaasi oo Puntland ay kula saxiixdeen heshiis ka kooban 15 qodob kuwaasi oo ku saabsanaa habka wada shaqeyneed iyo xiriirka labada dhinac.
Puntland waxay sheegeysaa inay wixii hadda ka dambeeya u madax bannaan tahay inay fushato danaha maamulka iyadoo la kaashaneysa cid kasta oo gacan ka siin karta.
Waxay arintan dhinaca kale irid mugdi ah u fureysaa xirirrka dhaliisha ku dhisan ee u dhexeeya maamul goboleedka Puntland iyo DKMG, xiriirkaasi oo dad badan ay u arkaan inuusan ka soo reyneyn tan iyo wixii ka dambeeyey markii hogaanka dalka loo doortey madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed horaantii sanadkan.
Puntland oo Ku Gacan Seyrtey
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1280 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 4 Replies
- 505 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 27 Replies
- 1543 Views
-
Last post by udun
-
- 47 Replies
- 3188 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 34 Replies
- 3241 Views
-
Last post by Advo
-
- 2 Replies
- 700 Views
-
Last post by Nubis
-
- 0 Replies
- 1231 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 6 Replies
- 1043 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 26 Replies
- 1171 Views
-
Last post by HooBariiska