Galkacyo: Peace-Making Conference Between Residents

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Abdi-Halim
Posts: 227
Joined: Sat Sep 12, 2009 10:05 am
Location: Puntland Always And Forever. So Help Me God!!!

Galkacyo: Peace-Making Conference Between Residents

Post by Abdi-Halim »

Image

Image

Image

Image

Kulan Lagu Dhex-dhexaadinayo Beelo Walaala ah Oo Maanta Ka Furmay Gaalkacyo (Daawo Sawirada).

Published on: September 24,2009 Garowe Time 7:20 pm

Gaalkacyo (RBC): Kulanka maanta oo ah wajigii labaa oo la isku soo hor fariisiyo labadaasi beelood ee walaalaha ah isla markaana ka wada tirsan beesha shiikhal ayaa waxaa goob joog u ahaa guddigii odayaasha ee ku howlanaa dhex-dhexaatintooda, saraakiil ka socota hay’adaha PDRC iyo CRD, iyo xubno ka socda maamulka gobolka Mudug ee Dawladda Puntland.

Wadahadalkani oo ay isku soo hor fariisteen odayaasha beelaha dagaalku dhexmaray ayaa waxaa la hordhigay heshiisyo hordhac ah oo labada dhinac ba la doonayo in ay fuliyaan, heshiisyadaasi ayaa waxaa ka mid ah in diyo lacageed la siiyo beesha dagaaladii ugu dambeeyay dadku uga geeriyoodeen iyo in la bixiyo ganaax lacageed oo la saarey beelahaasi mid ka mid ah oo la sheegay in ay jabisay heshiiskii xabad joojinta ahaa ee la kala dhex dhigay bishii juun ee sanadkan.

Dhamaan heshiisyada labada beelood la kala dhex dhigay maanta ayaa waxaa ay dhaqan galayaan sida la sheegay marka labada dhinac ay si wadajir ah u sixiixaan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”