Page 1 of 1

God Has Answered. Rain All Over Puntland Regions

Posted: Thu Sep 24, 2009 11:14 pm
by Abdi-Halim
ilaa Xalayna u Haalkaasi ka da'ayay iyadoo ay Dadka Reer Puntland Soo Dhoweeyen Roobaabkaasi.

23. September 2009

Robab Ma hiigaan ah Oo ay ku Diirsadeen Dadka Reer Puntland Dhulka ay degan yihin ayaa Waxay ka De,een Guud ahaan Goboladda Puntland Roobaabkaan ayaa Waxay yihiin kuwwo lagu Diirsadday Dhulkana qaboojiyey isla Markaasna Meelaha Qaar ka Geystay Khasaarro Fara badan Hasse yeeshe aan Dadka Waxba u arkayn Marka La Sii Eego Abaarihii ku Habsadday Dhulkaan ay hadda Roobaabku ka De,een.

Xalay ilaa Maanta ayaa Roobaab lagu Diirsadday Waxay ka De,een Gobollo Dhowr ah Oo ka Tirsan Puntland Sidda Gobolka Nugaal Mudug iyo Gobolka Sool Roobaabkaan Oo ah kuwwo isku Mid ah isku qaabna u Socda ayaa Xalay Waxay ka De,een Deegaano ay ka Mid Tahay Garoowe Caasumadda Puntland Degmadda ayl iyo buurtinle iyo deegaano kale Oo ka Tirsan isla Gobolka Nugaal.

Siddo kale Roobaab Noocaan Oo kale ah ayaa Waxay ka Da,een Qaybo ka Mid ah Gobolka Sool Sidda Magaaladda Madaxda Gobolkan Sool ee Laascaanood iyo Deegaano kale Oo ka Tirsan isla Gobolkaasi Sool Sidda uu Noo Soo Xaqiijiyey wariyaheena ee Halkaasi ku Sugan.

Maanta Mar aan Xiriir la Sameyey Qaar ka Mid Dadka Reer Puntland ee Jooga Magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood ayaa Waxy ii Sheegeen in ay aad ugu Faraxsan yihiin Roobaabkaan ilahay Siiyey ee aad u qaboojiyey Dhulka Puntland Waxaana ay sheegeen in ay haatan ka baxayan Guud ahaanba Abaarihii.

Roobaabkaan ka Da,ay Magaaloyinka ka Midka ah Saddexda Gobol ee Deriska ah ayaa Waxy ku Soo beegmaayan Xilli ay Roobaab Maahiigan ah ka Da,een Deegaano ka Tirsan Gobolka Karkaar Sidda Gobolka karkaar Oo ku laayey Xoolo lagu qiyaasay ilaa 1000 Neef Sidda ay Sheegayan Wararkii ugu Dambeyey Waxaa kaloo ay ka Da,een Roobaabkaani deegaano ka Tirsan Gobolka barri iyo Sanaag Oo ka Curteen Roobaab lagu diirsaday Dad iyo duunyabba.

Haka fogaan Allidamaale.com hadii aad dooneysid wararka dalkaagi hooyo.

Re: God Has Answered. Rain All Over Puntland Regions

Posted: Thu Sep 24, 2009 11:15 pm
by Abdi-Halim
Image
Image
Image
Image

Re: God Has Answered. Rain All Over Puntland Regions

Posted: Thu Sep 24, 2009 11:16 pm
by Abdi-Halim
Image

Ka Raadi Wararkii u danbeeyay Horseed Media

Somalia,Pirates,Somaliland,Hiiraan,Domian names,Hosting,Domain regsitration
Roobab Xoog leh oo 48 saac ka da’aya Qardho

September 23, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (16)

Horseed Media
News Desk
Wararka aanu ka helayno Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa wax ay ku sheegayaan in Mudo ku dhawaad 48 Saacadood uu halkaas ka da’ayo roob aad u xoog badan kaas oo dadka degaanka ay ku qaboobsadeen.


Buundada Xingood ee koonfurta magaalada waxaa weli maraaya Biyo aad u xoog badan, kuwaas oo ka imanay Dhanka Galbeed ee Magaaladda Qardho.

Dadka degaanadda Miyiga ah degan ayaa Horseed Media wax ay u sheegeen in roobabkii ka da’ayey Miyiga uu saameyn weyn ku yeesha ka dib markii uu cagta mariyey in ka badan 100 Neef oo Xoolo ah kuwaas oo intooda badan uu roobku la kala tagay.
Sidoo kale wax ay dadka degaanka Miyiga ah soo sheegaan in degaano dhowr ah ay dadku ay awoodi la yihiin in ay isku socdaan ka dib roobka oo ah mid aad u xoog badan.


Magaaladda Qardho ayaa sidoo kale roobabkii ka da’ayey waxa uu saameyn weyn ku yeeshay isku socodka xaafaddaha qaar ka dib markii ay wadooyinka buux dhaafiyeen Biyo aad u xoog badan , kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay degaanka.

Roobabkaan ayaa wax ay imanayaan xilli Degaanadda qaar ee Gobolkaas ay ka jireen abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka Miyiga degan oo xaalkoodu uu gaaray meel khatar ah.

Horseed Media

Re: God Has Answered. Rain All Over Puntland Regions

Posted: Fri Sep 25, 2009 10:09 am
by Xamud.
Abdi-Halim wrote:Image
Image
Image
Image

:shock: :shock: :lol: :lol: Dhullos skinny dipping :lol:

Re: God Has Answered. Rain All Over Puntland Regions

Posted: Fri Sep 25, 2009 11:20 am
by Abdi-Halim
:lol: @ skinny dipping.

Funny thing is bro mudug,nugaal, sool, bari, sanaag, cayn all recieved heavy rains. Our enemies however have not been blessed with the rain. Galmudug look at what galmudug looks like just yesterday

Image
Image
Image
Image
Wax Garadka Galmudug oo ka dayriyay Abaaro daba dheeraaday oo ka jira Deegaano ka tirsan GalMudug State. Daawo Sawirada BYCabdalle

Sept,24,2009 http://www.Hobyoradio.com

Wax Garadka Galmudug oo ka dayriyay Abaaro daba dheeraaday oo ka jira Deegaano ka tirsan GalMudug State. Daawo Sawirada BYCabdalle

Deegaano badan oo ka tirsan Galmudug State ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jiraan Abaaro xoogan oo dadka iyo duunyadaba fara ba’an ku haya waxaana Arintaasi markii ugu horaysay ka hadlay qaar ka tirsan wax garadka ku abtirsada Galmudug State

Waxaa Caawa waraysi Gaar ah siiyay barnamijka xulashada dhacdooyinka ee ka baxa idaacadda Hobyoradio ee Galkacyo Qalinle Warsame Cadar oo ka tirsan wax garadka reer Galmudug asgoona faah faahin dheer ka bixiyay deegaanada ay Abaartu ka jirto iyo dhibaatada ugu badan ee haatan haysata dadka iyo duunyadaba ee deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug State Somaliya

Qalinle warsame Cadar waxa uu hseegay in abaartu ay ka jirto dhamaanba deeaanada Galmudug oo dhul balaaran ah “Wariye Cabdalle waad Mahadsantahay Sidoo kale waan Salaamayaa Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Hobyoradio Intaasi kadib Magaalada Galkacyo waxaa ka baxa wadooyin badan oo aada deegaanada Galmudug dhamaana abaartu way ka jirtaa deeganda iyo dhulka miyiga ah Sida Bitaale,Bud-bud,Jilable,qaydare, wisil hobyo,ilaa iyo xarardheere abaar xoogan ayaa ka jirtaa oo haatan Ceel Ceel kuuma sheegi karo Cabdalle” Ayuu yri Qalinle Warsame Cadar oo sidoo kalana sheegay in dadkaasi ay ubaahan yihiin Kaalmo ilaah sidoo kalana dadka udhashay Galmudug la doonayo in ay gar gaar la gaaraan

Waxaana baaqaani wax garadka Galmudug uu ku soo beegmayaa xili Mas’uuliyinta Maamulka Galmudug State ay wadaan kulamo ay la qaadanayaan ha’adaha samafalka kuwaasi oo maal mihii ugu danbeeyay ka dhacay xarumaha Maamulka sida xarunta madaxtooyada ee uu Madaxweyanah ka yahay Col.Max’d Axm’e Caalin iyo sidoo kale Xarunta Madaxtooyada ee Madaxweyne Axm’d Sharif Cali hilawle waxaanse jirin ilaa iyo haatan talaabo dhaafsiisan kulamada ay wada qaateen Madaxda hay’adaha iyo kuwa GalMudug State

Cabdalla M.C/lle

Hobyoradio Galkacyo

GalMudug State SOMalia

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com

Re: God Has Answered. Rain All Over Puntland Regions

Posted: Fri Sep 25, 2009 11:22 am
by Keyse_0208
Cusmano, why do u have photos of Laascaanood in your topic, dont u know we own laascaanood, you dumb ass faarax you need to quit begging and come get this if u realy want it, if u really really really really want it :lol:

Re: God Has Answered. Rain All Over Puntland Regions

Posted: Fri Sep 25, 2009 11:24 am
by Xamud.
Abdi-Halim wrote: Funny thing is bro mudug,nugaal, sool, bari, sanaag, cayn all recieved heavy rains. Our enemies however have not been blessed with the rain. Galmudug look at what galmudug looks like just yesterday

:down: :down: :down: Cusmano dhibka dadka laguma farxo.

Ilaahey ha u sahlo wixii dhibateysan