Page 1 of 1

Gabiley: Police brutalizing idors

Posted: Fri Sep 25, 2009 2:13 pm
by Abdi-Halim
Dhalinyaro Gadoodsan oo Rasaas ooda kaga Qaaday Saldhiga Gabiley

ka dib Markii Ciidanka Boolisku Jidhdil ugaysteen Wiil Dhalinyaro ah oo kamarada ka Duubanayay Saldhiga.

Gabiley (GNS) Dhalinyaro gadoodsan oo ay ehel iyo qaraabo ahaayeen wiil dhalinyarro ah oo ay saaka Booliska Gabiley jidh dil ugu gaysteen meel udhaw saldhiga isaga oo Duubanaya kamarad ayaa ooda kaga qaaday Rasaas Saldhiga booliska Gabiley,wiilkaasi oo ay Walaalo ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga udub ee Gobolka Gabiley Saleebaan Maxamed Sh. Saleebaan (Madaxay) ayaa wararku sheegayaan in Boolisku Qori dabadii la dhacay.

Dhaliyaradan Gadoodsan ayaa isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga si ay gacanta ugu dhigaan Booliskii Jidh dilka ugaystay Wiilka qurba jooga ah.

Ciidanka Booliska ayaa ugu jawaabay rasaas goo, goos ah oo ay ku kala didinayeen Dhalinyarada gadoodsan ee ka cadhaysan sida axmaqnimada leh ee Ciidanka boolisku ugaraaceen, muwaadin qurba joog ah, oo dalkiisa Sawiro Xusuus ah ka qaadanayay.

Ilaa hada lama sheegin khasaaraha Dhabta ah ee ay gaysatay Rasaastii la isugu jawaabayay oo ilaa goor dhawayd ka dhacaysay Magaalada Gabiley.

Taliyaha Booliska Gabiley oo aanu la xidhiidhnay si,aanu wax uga ugaano khasaaruhu inta uu leegyahay ayaanay noo suuro galin inaanu ku helno khadka telephone-ka.

Maaha markii ugu horaysay ee Booliska Somaliland ugaystaan Muwadiniin gudanaya hawlahooda shaqo Jidh dil iyo wixii la mid ah.

Wixii warar ah ee intaa dheer kala soco Gabiley News.

Re: Gabiley: Police brutalizing idors

Posted: Fri Sep 25, 2009 2:16 pm
by CoolPoisons
ninyaho isisoo bar

Re: Gabiley: Police brutalizing idors

Posted: Fri Sep 25, 2009 2:22 pm
by The_Emperior5
Well the youngsters wanted to storm the Police office of gabiley the Police commander of gabileyi Muxumamad xajii and he is iidoor him self isagay ka soo baxday ammarku marka ma fahnim sheekadan ,