Horseed Media Competition. Sanaag and Mudug Celebrate Bosaso

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Abdi-Halim
Posts: 227
Joined: Sat Sep 12, 2009 10:05 am
Location: Puntland Always And Forever. So Help Me God!!!

Horseed Media Competition. Sanaag and Mudug Celebrate Bosaso

Post by Abdi-Halim »

Image
Image
Image
Image
Image


Dhalinyaro ka kala socda gobolada Sanaag iyo Mudug oo ka qeyb galayey xaaflada gabagabada ee Tartan heer gobol ah oo Idaacada Horseed u qabatay ilaa 10 gobol oo ka tirsan gobolada dalka Somaliya

Haddaba Dhalinyarada oo maanta soo gaaray magaalada Bosaso ayaa waxa sii diiran Tuulada laag logu soo dhoweeyey, halkaasi oo aay kaga hortageen Masuuliyiin ka socda idaacada Horseed, Telcom Puntland oo ah shirkaada hawsha woday, Ururka Dhalinyarada ee Danaad iyo waliba Dadweyne aad u tiro badan oo ah taageerayaal

Waxana dhalinyarada halkaasi logu soo dhoweeyey sii heer sare ah, Haddaba Gudoomiyaha Dhalinyarada u tartameysa Gobolka Sanaag oo lagu magacaabo Yasiin Cabdiwaxiid Dhahar ayaa u sheegay saxaafada inay aad ugu faraxsan yahiin Sidaa logu soo dhoweeyey magaalada Bosaso isaga oo sii weyn ugu mahadceliyey Taageerayaasha Gobolka Sanaag

Sidoo kale Musadaq Cabdullaahi Sardheeye oo ka mid ah taageeryaasha Gobolka Dhahar ayaa sheegay inay qab qabo ugu jiran sidii xaaflad balaaran logu dhigi laha Gobolka Sanaag iyada oo u sheegay in lagu Caasumi doono Masuuliyiin ka socda Puntland iyo waliba Hay’daha kale isaga oo sheegay in Dhalinyarada gobolka sanaag aay mudan yahiin in sii weyn loo Ammaano madama aay Ku guuleysteen tartan qiimo weyn leh sidaa u hadalka u yiri

Sidoo kale Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Mudug ayaa sheegay inay ku faraxsan yahin sidaa logu soo dhoweeyey Bosaso waxana u sheegay inaysan Hilmaami doonin, isaga oo sheegay inay sidoo kale Soo dhoweeyntan ku barteen dhalinyaro aay kaliya ka aqoon jireen khadka Telfoonka, waxana u sheegay in tartamada noocan oo kale ah aay qiimo weyn u leyahiin dhalinyarada Iyo Iskuulada Degaanada Puntland

Tartanka idaacada Horseed aay u qabatay qeybo ka mid ah Gobolada dalka ayaa waxa ka soo qeyb galay Gobolo aay ka mid yahiin Banaadir, Jubbada Hoose, Galguduud, Bay, Hiiraan, Nugaal, Karkaar, Sanaag, Bari, Mudug
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”