Wlc Back akhiyaarta. I knew one day you would come out of the Ictiraaf Dream.Mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG islamarkaana ka soo jeeda Somaliland oo sheegay in aanay gala go’in Karin Soomaaliya iyo Somaliland.
Posted: 9/26/2009 3:29:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Xildhibaano ka tirsan golaha Barlamanka KMG ee Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda gobolada Waqooyi Galbeed ayaa waxaa ay ku taageereen go’aankii golaha guurtida shalay ay ku gaareen Magaalada Hargaysa iyagoo sidoo kalan tilmaamay in Soomaaliya aysan laba dhan u kala go’i Karin.
Kulan balaaran oo maanat ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda Somaliland ayaa waxaa ay si buuxcda kulankooda ugu taageereen go’aankii shalay golaha guurtiada ay ku gaareen Magalaada Hargaysa.
Xildhibaanadaasi ayaa waxaa ay saxaafadda reer Muqdisho u sheegeen in Soomaaliya aysan kala go’i Karin islamarkaana Somaliland ay qeyb ka tahay wadanka Soomaaliya,waxaana ay tusaale u soo qaateen xiligii dalka ay ka ariminayeen maxkamadaha Islaamiga in gawaarida ay gobolada Waqooyi galbeed iyo Koofurta ay isku dhex mushaaxi jireen.
Xildhibaan Saleemaan Max’ed Rooble oo markii uu kulankaasi soo gaba gaboobay saxaafadda la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dad isku dhaqan ah iskuna Diin ah islamarkaana aanay jirin cid kala kaxeyn karta isagoo sheegay in Magaalada Muqdisho hadii ay degto ay isku mid noqonayaan Muqdisho iyo Hargaysa.
Xildhibaan Saleeman Max’ed Rooble waxaa sheegay in ka xildhibaan ahaan ay si weyn ugu farxeen islamarkaana ay soo dhaweynayaan go’aankii ka soo baxay golaha guurtida ee Somaliland isagoo tilmaamay in sedexda xisbi ee ka jirta Somaliland ay haatan aqoonsadeen danta shacabka reer Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxdooda ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ay wadeen qorshayaal ay ku doonayaan in ay kaga madax banaanaadaan Soomaaliya inteeda kale waxaana haatan xildhibaanadaani ay sheegeen in ay ka shaqeynayaan sidii shacabka reer Somaliland looga baabi’i lahaa waxyabahaasi ay higsanayaan.
Shalay ayey aheeyd markii golaha guurtida ee Somaliland ay xiliyeen qilaafaadkii ka dhaxeeyay sedaxda xisbi ee isku heysta Siyaasadda Somaliland kuwaasi oo mudooyinkii ugu damabeeyay ku murunsanaa doorashooyinka Jamhuuriyadda la magic baxday Somaliland.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
It took them 20yrs to come back. Hope they don't leave again.