Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
Dumarka sida uu nabigeeni subanaa S.C.W tilmaameyba waxaa lagu Guursadaa afar, Quruxdeeda, Nasabkeeda, Maalkeeda iyo Diinteeda. Waxaa uu Nabigeenu ku taliyey in tan diinta u saaxiibka ah inaan raadino.
Iyadoo taladaa dhaxal-galka ah jirto ayaa hadana raga Soomaaliyeed intooda badan waxay dumarka ku doortaan quruxdooda oo ay xigto nasabka gabadha ka soo jeedo.
Hadaba quruxda indho-sarcaadka ee dumarka qaarkood, ee aaney wax kale u raacsanayn ayaa ku keenta ragga khatalka ugu weyn ee nolosha, taasoo qaar ay u waashaan, kuwo ku caydhoobaan, kuwana kuba duloobaan.
Dumarka noocan ah ayaa ka war haya quruxdooda, kuwasoo si aan gabasho lahayn u isticmaala muqooda aadna u jahawareeriya rag badan oo ay beerlaxawsi kula wada socoto. Hadaba qalanjo quruxdeeda taqaan, quud ma gashaa ?
Muuqa kama soo hadhno
Ragga meel uu joogaba dunidan aanu ku nool nahay ayaa hamigooda ku aadan jinsiga kale (dumarka) aanuu ka soo harin aragtida muuqooda. Cilmi-Boodhari ayaa Hodan aragti ku caashaqey isagoon wax hadala la wadaagin, una geeriyoodey aakhir isagoon sheeko dhex marin. Heesaha raga ay alifaan ayaa sidoo kale u badan sharaxaada qaabka gabadha ay janteen ay leedahay, iyadoo ay yar tahay kuwa ka sheekeeya fariidnimadeeda, diinteeda iyo waxbarshadeeda i.w.m.
Waxaasoo dhan waxay mujinayaan in cabirka hore ee ragga aanuu ka soo harin muuqa ay leedahay qofka dumarka.
Dumarka sidey u sii kala muuq qurxoon yihiin ayay u sii kala daran yihiin, kana mashquulin badan. Qofka hadii uu mudo yar fekero oo arimo badan isbarbar dhigo, waxaa uu garwaaqsanayaa meesha dani ugu jirto waqtiga dheer. Balse nooca qalanjooyinka ee indho-sarcaadka ah ayaa ilowsiiya ragga garashadooda dookha aqal wanaagsan lagu dhiso. Waxaa hamigooda jinsiyeed uu iska hor-istaagaa inay fekeraanba.
Qurxinta qaabkayga iyo ilowga dabeecadayda
Qalanjadan ayaa markay hano qaado durtadiiba garata in ragu siinayaan attention gaara iyada, kuwaasoo amaan iyo gacan-furnaan dhinaceeda ah ku asqeysiiya. Qalanjadan ayaa markay maalintii dibeda u soo baxdo ay dareentaa in boqolaal raga ay soo jaleecaan, tobaneeyona isku dayaan in hadal la wadaagaan ama saacidaan.
Culimada Cilmu-nafsiga ayaa sheega had iyo jeer in hadii erey ama ficil dhowr jeer lagu celceliyo uu qofku/inshu aaminto. Halkan ayaa waxaa ka abuurma dabeecada qalanjada, taasoo aaminta inaysan u baahneyn in dadaal dheeriya u samayso qurxinta dabeecadeeda, bal isku sii mashquuliso sidii ay quruxdeeda jireed ugu dari lahayd mid hu-qaadasho wacan (style). Waxaa bilowda mudada loo yaqaan "indho-sarcaadka". Mudadan ayaa qalanjadan mobiilkeeda waxa ka buuxsama numberada rag ladan, kuwan oo ay ka hufto ciidanka lugta (bilaa gaari), kuwa bilaa shaqada ah, bilaa hantida ah, i.w.m.
Raggan ayaa 99% ah kuwo aanay jacayl u qabin, balse u haysto uun in ay ku dan gaaro, maalinta ka 1aad ama 2aad ama 3aadba ay hore u heli waydo. Rajada ragan ku jirta ayaa dhinacooda ah inay aakhir hanan doonaan qalbigeeda, markay wax walba u sameeyaan, oo aanuu ka kale ee tartanka kula jiraa aanuu u samayneyn. Waana sababta keenta inaadan arag qalanjadan lugeynaysa, Bus raacaysa ama wax culusba gacmaha ku sida. Shaqalaheedan tirada badan ayay indhahaadu qac ku oranayaan iyagoo isku laynaya, cidii gaarigiisa ku qaadi lahaa marka arooska ay joogto dhamaado. Aakhir iyadaa doorata gaariga ay doonto, taasoo raacda kan ugu gaariga quruxda badan habeenkaa. Isku soo duuduuboo, qalanjadan ayaa aaminta in nolol wacan oo aduunka ay ku gaari karto muqeeda oo kaliya, una baahneyn kobcinta dabeecadeeda iyo bulsho la dhaqankeeda (social skills). Waxay sidaa ku socotaba, waxaa ay aakhir ogaataa in hablo kale soo kaceen oo sideeda u qurux badan, booskana ku soo yara ciriiriya. Markaa ayay baraarugtaa oo ay damacdaa inay mid kala baxdo raggan intay goori goor tahay.
Qalanjo Quruxdeed taqaan, quud ma gashaa
Jawaabta oo qayaxan ayaa ah maya, waliba mid yar maahe waa MAYA weyn. Nasiib darada ayaa ah, sidaan dushaba ku soo sheegeyba in ragga xulashadooda aaney muuqa ka soo harin. Madaama qalanjadani wali nuureyso, waxay ay IYADU xulutaa aakhir kan ugu hantida badan ragan hor yaacaya. Kan ayaa markaa ismooda inuu yahay kan ugu ayaanka badan oo uu raganimadiisa tii dumar ugu bilicsanayd ka hor qaadey intanoo ragga. Ninkan ayaa waxaa u bilowda mashaqadii aduunyada oo ay ugu horeyso, u dhigista aroos mid aan la maqal lana arag, oo uu qarka u saarmo inuu kuba cayroobo.
Markuu la aqal galo, duufaankii arooskuna kala dago, ayaa markiiba waxa u muuqda ninkan dabeecada rasmiga ah (bilaa dabeeco) ee inantan, taasoo berigii hore uu arki jirey uun inteeda wacan. Waxaa intaa u dheer howshii ay kala qaban jireen dhowr iyo tobanka nin, oo isaga uun isugu soo biyo shubata, madaama ay qalanjadani u baran inay far nuuxiso. Haday Afrika joogto waxay dalbataa in shaqaale loo qabto, haday qurbe joogtana howsha odeygaa inta badan laga sugaa inuu qabto, ama aqalkaa noqda aqal areebo/basariyad. Waxaa ay dhinaceeda tabtaa attentionkii badnaa iyo nolosheedii hore (life style), taasoo qumuc-qumuc aan ka deynin saygeeda cusub. Qancinteeda iyo marxabaynteeda ayaa noqota shaqo aan 24 saac dhamaad lahayn. Aakir waxaa uu baraarugaa goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
Waxaa haboon hadaba in raggu raacaan taladii wacneyd ee nabigeena s.c.w, oo ay raadsadaan asxaabul-diin. Hablaha asxaabul-diinka ah ayaa iyaguba qaarkood aan ka yaraysan qurux qaabeedka ay qalnjooyinku leeyihiin, balse ay u dheer tahay inay ku qanciso nolosha aduunka, kaana saaacido u dagaalanka ta aakhiro. Hadii aad ka fursan waydo, oo ay isha kaaga dhacdo, qalanjo qurxdeeda taqaan, ha ahaato mid quruxdeeda wax u dheer yihiin oo dabeecad leh. Intaa wixii ka soo hadha waa nin lugta iska toogtey oo kale, lugooyo-la dul saarey-lugooyo.
Goldogob Times

- Gaashaanle_87
- SomaliNetizen
- Posts: 926
- Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
- Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
Waad mahadsan tahay Ducaysane sxb waad noo faa'idaysay 

- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
Gaashaanle_87 wrote:Waad mahadsan tahay Ducaysane sxb waad noo faa'idaysay

- Warsan_Star_Muslimah
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4574
- Joined: Mon Apr 21, 2008 3:19 pm
- Location: ''A Malyuun Bucks''
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
^^^^ I have tears in my eyes
I don't know whether its from laughter or that someone is trying to take you away from me
Too much Somali I find it difficult to read. But I can make out that its a beneficial article
Cadi iska dhiiga wiilal

Too much Somali I find it difficult to read. But I can make out that its a beneficial article

Cadi iska dhiiga wiilal
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
Warsan_Star_Muslimah wrote:^^^^ I have tears in my eyes![]()
![]()
![]()
![]()
I don't know whether its from laughter or that someone is trying to take you away from me
![]()
![]()
![]()
![]()
Too much Somali I find it difficult to read. But I can make out that its a beneficial article![]()
Cadi iska dhiiga wiilal
i though you could read somali well

- Warsan_Star_Muslimah
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4574
- Joined: Mon Apr 21, 2008 3:19 pm
- Location: ''A Malyuun Bucks''
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
No I can't, unfortuntely. I can manage, but if the article is too long, and I lose a lot of info, and it becomes difficult for me to follow the article.
yaroow, you must like me for how I am, rubbish somali straight up southern speaking, can u understand xamari talk?
yaroow, you must like me for how I am, rubbish somali straight up southern speaking, can u understand xamari talk?

- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
Warsan_Star_Muslimah wrote:No I can't, unfortuntely. I can manage, but if the article is too long, and I lose a lot of info, and it becomes difficult for me to follow the article.
yaroow, you must like me for how I am, rubbish somali straight up southern speaking, can u understand xamari talk?

Last edited by Ducaysane_87 on Sun Sep 27, 2009 5:58 pm, edited 3 times in total.
- black velvet
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4976
- Joined: Tue May 22, 2007 12:53 pm
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
black velvet wrote:
lool dee ma idonesian miyuu ku qoranyahay pagekan so may maha - this must be a technical error from your side of google
- Warsan_Star_Muslimah
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4574
- Joined: Mon Apr 21, 2008 3:19 pm
- Location: ''A Malyuun Bucks''
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
Ducaysane,
We have an understanding
(in English ofcourse
)
Black Velvet,
qac waa google, indonesian you know
We have an understanding

Black Velvet,
qac waa google, indonesian you know

- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
Warsan_Star_Muslimah wrote:Ducaysane,
We have an understanding(in English ofcourse
)
Black Velvet,
qac waa google, indonesian you know
dee why not take some Qaldan Course it doesnt take more then 4 months

- black velvet
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4976
- Joined: Tue May 22, 2007 12:53 pm
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
I understood that, apart from one thing, "Quud" maxaawaye?
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
ma la quudan karaa ama ma la qafaalan karaa weeyeblack velvet wrote:I understood that, apart from one thing, "Quud" maxaawaye?
- black velvet
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4976
- Joined: Tue May 22, 2007 12:53 pm
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
That was so very helpful...I'll just look for it onlineDucaysane_87 wrote:ma la quudan karaa ama ma la qafaalan karaa weeyeblack velvet wrote:I understood that, apart from one thing, "Quud" maxaawaye?
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Qalanjo Quruxdeeda Taqaan, Quud Ma Gashaa? ... By Yasiin-Xog
black velvet wrote:That was so very helpful...I'll just look for it onlineDucaysane_87 wrote:ma la quudan karaa ama ma la qafaalan karaa weeyeblack velvet wrote:I understood that, apart from one thing, "Quud" maxaawaye?
ok

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 331 Views
-
Last post by Thuganomics
-
- 65 Replies
- 3225 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 18 Replies
- 1070 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 3 Replies
- 327 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 14 Replies
- 1055 Views
-
Last post by AyeeyoH
-
- 0 Replies
- 260 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 1 Replies
- 446 Views
-
Last post by quark
-
- 5 Replies
- 605 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 0 Replies
- 379 Views
-
Last post by Sheikh Mustafa