More Ras kamboni Headed by Ibrahim shukri and co make Base Near kismayo.
KN: Warar goor dhaweyd naga soo gaaraya Jubbooyinka ayaa sheegaya in Magaalada Kismaayo ay kusii jeedaan ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ay kala hogaaminayaan madaxa muqaabaraadka Raaskaanbooni Sheekh Ciise Alaaki iyo Macalin Maxamed oo mas’uul sare ah, dhanka kale Sheekh Ibraahim Shugri (Abuu Zeeynab) ayaa fadhiya
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Sh. Alaaki oo ah wadaad saameyn badan isla markaasina ah abaanduule hogaan wanaagsan looga yeerey Kismaayo xilli loo diyar garoobayo ku dhawaaqista Maamul Midnimo Gobol , sidoo kale Macalin Maxamed waa mas’uul sare oo Xisbiga ka tirsan waan nin xagga dhexdhexaadinta ku wanaagsan.
And Kismayo Police force ( ciidanka amniga) join Hizbl islam
KN: Darsano ciidamo ka tirsanaa maamulka diidan xilwareejinta ee Kismaayo ayaa la sheegey in ay caawo kusoo biireen kuwa Xisbul Islaam ee degen Xerada Congo ee Kismaayo.
Tani waxay ka dambeeysay khilaaf la sheegey in uu tan iyo horaantiiba ka dhexjirey taliska iyo ciidamada maamulka, markii hore waxaa la’isku khilaafay dagaal looga hortagi lahaa Sheekh Axmed Islaam oo magaalada soo galayay.
Walow aysan jirin cid si rasmi ah uga hadashay arrinkani ayaa hadane waxaa naloo sheegey in ay tani dhacday kadib hadalkii sida weyn warbaahinta u faafisey ee Sheekh Axmed Islaam oo Kismaayo looga dareemey si ka duwan wixii laga filayay ama fikirkii laga qabay ee horey looga faafiyey, ayna faafisey idaacada Andulus.