Axmed Madoobe who i think is Ogaaden tells of ina Godane! Adeer Meesho maaha Balligubadle ee Meesho waa Kismaayo



Taliye ku xigeenka xoogaga Raaskambooni ee Xisbul Islaam Somalia Sheekh Ahmed Madoobe ayaa hadalo kulul siiyay Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia waloow Weriyeyaasha ka hoowlgala Kismayo ay cabsi darteed badankood uga baaqsadeen.
Live Chat with Waagacusub editors Clickhere
Hogaamiyaha cusub ee Al-Shabaab kala wareegay Magaalo xeebeedka Kismayu wuxuu ku dhaartay inuu bulshada jubooyinka ku eegan doonin tacadiyada baahsan ee al-Shabaab.
" Waxaa nasiib daraa in shaqsiyaadkii aan Islaamnimada ku soo dhaweeynay ee gabaadka siinay sida Ahmed Godane,Ibrahim Afakhani iyo Fuaad Shongole inay maanta anagii nagu dhahaan ma imaan kartaan degaanadaan ku dhalanay ee magaca iyo miisaanka ku lahayn,waxaan oran karaa ragaan xusay magacyadooda waa abaal laabayaal,mudan in gumaca rasaasta lagula hadlo"ayuu yiri Sheekh Ahmed Islam oo khadka telefoonka ugu waramayay Warbaahinta madaxa banaan.
Sheekh Ahmed Madoobe wuxuu ugu baaqay shacabka iyo waxgaradka Jubooyinka iyo Gedo inay gacmaha isu qabsadaan difaaca diintooda,dalkooda iyo dadkooda.
" Ninka la leeyahay Ahmed Godane ee geedaha hoostooda ka hanjabaa,adeeryaaloow haloo sheego Kismayo maaha Bele gubadle,waxaan leeyahay anigu waxaan joogaa halkaan ku dhashay,adigana Somaliland iska daaye,degmada Raaskaaga Arab ee Belegubudle cag ma dhigi kartid,anagiina waxaad nagu noqotay ,NINKII BARBAARSHAY BAHAL NOOL,KU BAXSAY AMA BOQNA GOO"ayuu yiri Ahmed Madoobe.
Ahmed Madoobe oo u dhashay Beesha Ogaadeen,wuxuu Kismayo maamulkeeda ka madax ahaa waqtigii Golaha Maxaakiimta ee sanadkii 2006,waxaana lagu xasuustaa dhacdadii garoonka Jomma Kenyatta ee Naorobi uga degay isagoo hubkiisa wata.