Puntland parliamentarian rapes young girl.
Posted: Tue Sep 29, 2009 9:07 am
Fadeexad La Soo Gudboonaatey Xildhibaan ku sugan Garowe
September 28, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (49)
Fadeexad La Soo Gudboonaatey Xildhibaan ku sugan Garowe | read this item Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media
Waxaa maalmihii la soo dhaafey ka taagnaa caasimadda Puntland ee Garoowe fadeexad weyn kadib markii xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo magiciisa aan ku soo koobeyno S.A, lagu soo eedeeyay in uu geystey denbi iyo fadeexad weyn kadib markii la sheegay in uu kufsi kula kacay gabadh da’ yar oo ka mid ahayd dadka ku dhaqan caasimadda Puntland, isla markaasna ku nooleyd guri uu iska leeyahay Siyaasi caan ah, kaas oo ay xildhibaanka qaraabo ahaayeen.
Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay in uu gabadha u sheegtey in uu boholyow iyo kalgacal u hayo isla markaasna ay waqti siiso si uu ula sheekaysto, sida la sheegay waxa uu gabadhii geeyay halka uu ka deganaa magaalada. Kadib markii uu ku hubsadey gabadhii yarayd ee Iskooleyda ahayd gurigiisi ayuu ka dooney tii xumeyd waana ay ku gacan sayrtey. Xildhibaanka ayaa la sheegayaa in uu gabadha u isticmaaley in uu siiyo waxyaabo dooriya maankeeda kadibna waxa ay gurigiisa ku sugneyd muddo sadex maalmood ah waxa uuna kula kacay sida lagu soo eedeeyay Kufsi iyo faroxumeyn.
Qoyskii ay gabadhu la joogtey ayaa sheegay in ay la yaabanaayeen waxa gabadha yar ku dhacay mudada sadexda maalmood ah waxa ayna baaritaan ku hayeen halka ay ku sugeneyd.
Hadaba sida laga soo xiganaayo xubno ka tirsan Booliska, ayaa sheegay in dacwada ka dhanka ah Xildhibaanka lagu eedeeyey, in sadex maalmood kadib markii gabadha ay ku sugneyd gurigiisa uu ku amray wiilal u shaqeeya in ay gaari ku qaadaan oo geeyaan meel ka baxsan Garoowe. Wiilasha gacanyarayaasha u ahaa xildhibaanka ayaa gaarsiiyey gabadha meel aan waxba ka fogeyn Degmada Burtinle.
Gabadha ayaa markii ay miyirsatey, waxa ay dib ugu soo laabatay Garoowe, waxaana ay daaha ka qaadey wixii ku dhacay iyo sidii uu u khiyaameeyay xildhibaanku, iyo wixii ay markaas xasuusan kartey ee uu kula kacay. Sida lagu sheegay dacwada rasmiga ah ee loo gudbiyey Maxkamada Garowe.
Maalintii shalay ayaa xildhibaan S.A looga yeeray Maxkamadda Derajada kowaad halkaas oo kiiska lagu dhegaystey waxaana ka qaybgalay ehalada gabadha iyo dad kale oo goobjoogayaal ah, waxaana maxkamaddu amartey in denbigan la baaro haddii ay ku caddaato Xildhibaanku gabood falka iyo kufisaga uu geystey sharciga lala tiigsado.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland, ayaa amar ku siiyey laamaha amniga ee Puntland in ay ilaaliyaan nabad gelyada Xildhibaanka inta maxkamaddu socoto.
Tan ayaa ah fadeexaddii u horeysey oo caynkeeda oo kale ah ee lagu soo oogo xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, sida la og yahay xildhibaanka ayaa huwan maamus inta uu xildhibaan yahay lama baari karo gurigiisa, lamana xiri karo, hadaba dadka Garoowe ayaa is weydiinaya xildhibaanka sida qaldan u adeegsadey maamuskiisa sida loola dhaqmaayo.
Hadii falkan lagu cadeeyo Xildhibaankan oo ay maxkamada xukun kasoo saarto, waxay noqon doontaa markii u horeysey ee Xildhibaan huwan maamuus iyo sharaf in uu kula kaco wax dhaqanka Soomaalida iyo kan Islaamkaba ka soo horjeeda, waxaana laga war dhawrayaa baaritaanka hada socda iyo dacwada hortaal Maxkamada Garowe.