New York: Sharif Hotel " no deal was made with Djibouti"?

He is getting ready for his trip to Puntland America aka Minnapolis marka he is trying
to get on our good said, so we can make his ass feel like a President.

Actually all of North-America is overwhelmly Darood Majority and anywhere that is Darood Majority wa iska Puntland.

New York: Shariif Sheekh Axmed oo beeniyey heshiiskii uu Jabuuti ku saxiixay wasiir ka tirsan dawladiisu.28. september 2009
New-York(AllPuntland )- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Mareykanka, lana hadlayay Idaacada Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa difaacay talaabadii uu Wasiir ka mid ah dawladiisu ugu saxiixay dawladda Jabuuti, heshiis ka hor imaanaya mid uu galay Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md, Cumar C/rishiid Cali Sharmaake.
Shariif ayaa sheegay in aysan waxba ka dhaxeyn heshiisyadaasi, isagoo sheegay in kii dalka Jabuuti lugu saxiixay loo dhigay si qaldan, isagoo sheegay in aysan dawladda Puntland waxba hubsan oo ay Idaacadaha ka eedeeyeen Wasiiro ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in uusan Ibi heshiis lagalin dawladda Jabuuti, balse uu Shir Jaraa’id oo kaliya la qabtay Wasiir ka tirsan dawladda Jabuuti, wuxuuna hadalkan dhabar jab weyn ku noqonayaa iyo kala hadal dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Wasiirka Kulluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya Prof. Ibi ayaa xaqiijiyey galintaanka heshiiskaas, oo uu sheegay in uu yahay mid dan u ah Umadda Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale soo qaaday saameynta heshiiska uu galay iyo heshiiskii lugu saxiixay magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in aysan waxba ka jirin ayna been tahay heshiis lagalay, taasoo ka hor imaanaysa hadalka Wasiirkii sheegay in uu saxiixay heshiiskaasi, waxaana hadalkan aad uga yaabay dad badan oo Soomaaliyeed oo la socday xaaladahaasi.
Raysalwasaaraha Soomaaliya Md. Cumar C/rishiid Cali Sharmaake ayaa dhawaan sheegay in heshiiskii uu lagalay dawladda Puntland uu yahay, mid sax ah oo aysan jirin wax ka qaldan, isla markaasna aysan jirin doonin cid ka hor timaada, wuxuuna sheegay in uusan saameyn ku laheyn heshiiskii magaalada Jabuuti lugu saxiixay, balse uu Madaxweynaha Soomaaliya uu shalay sheegay in uusan aheyn Heshiis, balse uu u ahaa oo kaliya wada hadalada labadaas Wasiir dhexmaray.
F. C. Maxamed
AllPuntland