
word is their suposed cross afmadow and attack xisbul islam from behind.
War Deg-Deg ah: Cabsi dagaal oo ka taagan Afmadoow
--------------------------------------------------------------------------------
Published: 30 September 2009
KN: Warar goor dhaweyd naga soo gaaraya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay caawo heegan ku jiraan ciidamadii maamulka degmada xilli ay taagantahay cabsi dagaal, ciidamo Al-Shabaab ayaa kasoo duulaan tagaya degmada Xagar
Ciidamo uu hogaaminayo taliye ciidan oo lagu magacaabo Sheekh Badal oo muddo bilooyin ka hor ah dagaal looga saaray Afmadow ayaa la sheegayaa in lasoo dhoobey degmada Xagar halkaasi oo la filayo in ay kaga soo duulaamaan degmada Afmadow .
Xariiro aan la sameeyney maamulka guud e Xisbul Islaam ayaa noo sheegey in ciidamada maamulka heegan la galiyey si ay isaga difaacaan ciidamada kusoo duulaya.
Ciidamada Xagar ku sugan ayaa la filayaa in ay ka yimaadeen dhanka gedo gaar ahaan degmada Ceelwaaq oo maanta ay kasoo ambobaxen ciidamo gaadiid dagaal ku jooga sida ay KismaayoNews u sheegeen illo madax banaan oo magaalada ku sugan.
Dhawaan ayay ahayd markii degmada Afmadoow maamul cusub uu ka dhisey Sheekh Axmed Islaam oo gudoomiye u magacaabay Sheekh Bashiir.
Cabsidan waxay kusoo beegmeysaa xilli dagaal uu ka qarxay Kismaayo, lagana yaabo in ciidamadan Afmadoow weeraraya ay dhabar jabin ku yihiin kuwa Xisbul Islaam ee Kismaayo ku sugan
Wixii kasoo kordha kala soco KismaayoNews.com