Page 1 of 1

Breaking News: War in Kismaayo has errupted

Posted: Wed Sep 30, 2009 2:03 pm
by The_Patriot
War Deg-Deg ah: Dagaal hadda ka bilowdey Kismaayo

KN: Dagaal culus ayaa fiidnimadan ka qarxay bartamaha magaalada Kismaayo, xabadu waa ay bilaabatay, waxayna u dhacaysaa si darandoori ah, dagaalkuna waa mid culus sida ay noo xaqiijiyeen madaxda Xisbul Islaam oo hadda aan la xariirney.



Waay xabadu ka dhaxaysaa xaafada Shiilkole iyo Siinaay oo ay kala joogaan labada dhinac.



Ma jirto wax faahfaahin ah hase yeeshee dagaalku waa mid la filayay saacadihii ugu dambeeyeykadib markii ay joogsadeen dhamaan wixii wadahdalo ahaa ee socdey.



Dagaalkani waxaa saakay iclaamiyey Sh. Xassan Yacquub afayeenka maamulkii magaalada ee dhanka Xarakatul Shababul Mujaahidiin.



wixii kasoo kordha kala soco KismaayoNews.
Ilahey Umada Shacabka masakinta habadhbadhiyo.