Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Ku Dh

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Ku Dh

Post by Ducaysane_87 »

Hargeysa(Oodweynenews)- Ururka Dhalinyarada Somaliland ee SYO, ayaa shir muddo dhawr maalmood ah uga socday Hargeysa ka dib waxay maanta ku baaqeen inay ka shaqeynayaan siddii ay dhalinyaradu u samaysan lahayd urur-siyaasadeed. Waxaanay sadexda xisbi qaran ee dalka ka jira ku dhaliileen inaanay dhalinyarada ka qeyb gelin hoggaaminta xisbiyadooda.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Ururweynaha SYO Mr. Siyaad Xuseen Jaamac, waxaanu warpsaxaafadeedkaasi u qornaa sidan:-

“Urur-weynaha dhalinyarada Somaliland ee Somaliland Youth Assocaitoin (SYO) isagoo ka duulaya danta guud ee dhalinta Soamliland ka dib markii uu qiimeyn iyo daraasad ku sameeyay xaalada siyaasadeed ee dalka, una arkay inay lagama maarmaan tahay in dhalinyaradu isku habeeyaan qaab xisbi siyaasadeed. Markaanu eegnay karti darrada iyo horumar la’aanta ay sababeen sadexda xisbi qaran isla markaana aanu ogaanay inaanu midna siin dhalinyarada wixii ay mudnaayeen oo aan mansabyada hoggaaminta xisbiyadooda saami caqli gal ah ka siin dhalinyarada Somaliland oo ka qatan ka qeyb galka hoggaaminta wadanka.

Urur-weynaha dhalinyarada Somaliland ee SYO Isagoo mar kasta u diyaar ah ogsoona inay dhalinyaradu isbedel siyaasadeed oo la taaban karo ay samayn karaan. Ururku wuxuu diyaar u yahay soo kordhiyo arrin wadankeena ugub ku ah, sidaas daraadeed ururweynuhu wuxuu shaacinayaa inay deg deg ugu dhawaaqi doonaan urur-siyaasadeed oo ay u mari doonaan sifo ah.

Waxaanu ururku sidaasi ku go’aamiyay ka dib markii xafiisyada ururka ee Gobolada dalka iyo degmooyinkiisa iyo wakiilada xafiisyada ururku ku leeyahay qurbaha, ay shir ku yeesheen Xafiiska dhexe ee magaalada Hargeysa, isla markaana uu gudoominayay Guddoomiyaha Guud ee Ururweynaha (SYO)Siyaad Xuseen Jaamac wuxuu go’aamiyay in dhalinta Somaliland ay samaystaan xisbi u gaar ah. Waayo waxaanu aragnay oo aanu is tusnay kuwii illaa lixdankii ummadda hortaagnaa.

Soo Jeedin

Ururweynaha Dhalinyarada Somaliland wuxuu sadexda xisbi qaran u soo jeedinayaa sadexda Hoggaan ee xisbiyada qaranka inay dhalinyarada u adeegsan xiliyada ay mudaharaadayaan danahooda gaarka ah ee xisbinimo.

Waxaanu Ururada waaweyn ee dalka u soo jeedinaynaa inay taageeraan qorshahan dhalinyarada oo ah kuwa gudaya abaalka hooyada.”

Oodweynenews.com/Office



http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=10990
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”