Jaaliyadda Somaliland Ee Finland Oo Soo Qabanqaabisey Shir A

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Jaaliyadda Somaliland Ee Finland Oo Soo Qabanqaabisey Shir A

Post by Ducaysane_87 »

Helsinki (Oodweynenews) – Waxa kullan ballaadhan ka dhacay 29.09.2009 xarunta Jaaliyadda Somaliland ee Wadanka Finland. Kullankaasi waxaa lagu furay aayadaha Quraanka kariimka oo uu akhriyey Muxaydiin cabdillahi Sool, Ka dibana barnaamijka kullankaasi waxaa furay Guddoomiyaha Jaaliyadda Xasan Cali Sadexle kuna soo dhaweeyay mudane Dr. Ahmed Askar oo ah aqoonyahan xeeldheeriya oo cilmiga cafimaadka ku takhasusey, islamarkaana shaqooyin badan ka qabtey Magaalada Helsinki, kana mid ahaa aqoonyahandii gadhwadeenka u ahaa xukuumadda Finland ee dhinaca dhaqanka Soomaalida, markii dadka Soomaliyeed ay soo galeen wadanka Finland, gaar-ahaana xilliyadii 90-nadii ayaa lagala kulmay dhibaatooyin ku waajahnaa deganaanshaha xerooyinka iyo qaab la dhaqanka bulshada cusub. Dr. Askar waxa uu mudo badan kumaqnaa , kana shaqaynayey Somaliland.



Dr Askar waxa uu si ballaadhan uga waramay xaaladda dalka dhinacayada kala duwan isagoo culayska saaray dhibaatooyinka dhallinyarada iyo fursadahaba.Waxa axmed dhallinyarada shirka ka qayb galay ku dhiirigeliyey inay ka faaiidaystaan fursadaha badan ee ay haystaan.

Cabdillaahi Aadan Roble Gudoomiye xigeenka Jaaliyadda ayaa sidoo kale uga warbixiyey dhibaatada tahriibta dhallinyarada Reer Somaliland iyo sababaha keenay, waxaa uu Jaaliyadda ku dardaraay inay ka hawl galaan inay wax ka qabashada siiba xagga wacyigelinta iyo xidhiidhka.





Waxaa kaloo Axmed si laxaadle u bandhigay dhallinyaradu , kaalinta ay ka qaadan karaan ka qaybgalka bulshada ay la noolyihiin iyo in ay ku xidhnaadaan dalkoodii, kana qayb qaataan barnaamijyada horumarineed ee kala duwan ee ka socda Somaliland.

Gabagabadii kullanka waxaa abaalmarin shahaado sharaf ah Jaalliyaddu ku gudoonsiisay Dr. Ahamed H. Omer Askar, xubinmada joogtada ee Jaaliyadda iyo hawlaha uu u qabtay Jaaliyadda iyo dalka somaliland ee xaga horumarinta, gaar ahaan caafimaadka. Taasoo looga faa’iidaysankaro, tusaale lagu daydo dhinac kasta oo nolosha ah, una noqon karta tilmaan, ay ku daydaan dhallinta Reer Somaliland ee deggan Finland iyo guud ahaanba qurbaha. Kullanka waxaa soo gabagabeeyey gudoomiyaha una mahadnaqay dhallintii ka soo qayb gashay.





Mohamud Hussein

Oodweynenews.com/Helsinki/ Finland



http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=10972
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”