
Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo iyo Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay inay Magaaladaasi la wareegeen
Mogadishu thursday 1 October 2009 SMC
Waxaa la soo sheegayaa in dagaalkii Magaalada Kismaayo uu haatan u muuqdo mid sii xoogaysanaaya, iyadoo magaalada gudaheeda laga maqlaayo dhawaqa rasaasta iyo daryaanka Madaafiicda ay isweydaarsanaayaan labada dhinac.
Dagaalka ayaa haatan la sheegayaa inay ka dhasheen qasaarahii ugu balaarnaa, iyadoo in ka badan 18-ruux ay ku geeriyoodeen dagaalkaasi, dadka geeriyoodana intooda badan waxa ay ahaayeen dad rayid ah.
Sidoo kale dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 65-qof, iyadoo dadka magaaladaasi ay bilaabeen inay isaga cararaan magaalada, iyagoo ka baxsanaaya dhibaatada dagaalada, mana jirto ilaa iyo iminka dad isku howlay in dagaaladaasi ay joojiyaan.
Waxaa soo baxaya in xarakada Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen inta badan magalada, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in alshabaab ay la wreegeen gebi ahaan Magaalada Kismaayo, hase yeeshee ma jiro warar arrimtaasi ka madaxbanaan oo xaqiijinaaya waxa ka jira sheegashada Al-Shabaab ee ah inay qabsadeen magaaladaasi.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo aya soo sheegaya in weli dagaalku ka socdo gudaha magaaladaasi, islamarkaana laga maqlaayo daafaha magaalada dhawaqa rasaata iyo kuwa Madaafiicda.
Somaliweyn Media Center “SMC”