Saddex Farsamo-yaqaan oo reer Somaliland ah, ayaa markii u horeysay hindisay farsamo guud ahaan ku cusub dalka. Waxay ikhtiraaceen inay Diyaarad sameeyaan, taas oo ay haatan ku sameeyaan guri ku yaala Hargaysa.
Saddex Farsamo-yaqaan oo reer Somaliland ah, ayaa markii u horeysay hindisay farsamo guud ahaan ku cusub dalka.Farsamoyaqaanadan oo magacyadoodu kala yihiin; Maxamuud Cabdi Barkhadle, Siciid Cabdi Jiidhe iyo Cabdi Faarax Iidaan, waxay ikhtiraaceen inay Diyaarad sameeyaan, taasoo ay haatan ku sameeyaan guri Hargeysa ku yaala.
Haddaba, Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Ogaal oo xalay booqday goobtaas, waxay kula kulmeen saddexda nin ee hindisay qorshahan, waxayna waraysi arrintaas la xidhiidha la yeesheen saddexdooda kii ugu horeeyay ee fikirkani ku dhashay oo ah Siciid Cabdi Jiidhe. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;
S: Arrintani goorma ayay idinku dhalatay?
J: Arrintani waa ikhtiraacii u horeeyay ee noociisa ah ee ka hirgala dalka Jamhuuriyadda Somaliland, hindisihiisuna wuxuu ahaa 10/11/2006, waqtigaas oo ahaa hawlgalkii u horeeyay. Sidaa darteed, waxaan jeclahay in aan yara guudmaro maraaxilkii iyo waayihii ay hawshani soo martay, iyadoo lahayd ujeedo iyo go’aan adag oo aanu u qaadanay, una samraynay duruufihii iyo waayihii nagaga imanayay mushtamacii aanu ku dhex noolayn laftiisa, taasoo ku talogalkeeda iyo mustaqbal ahaan himilada aanu higsanayno iyo waxa aanu doonayno inay noqoto haddii Illaahay noo qadaro. Waxa weeye; ikhtiraacan waxaan ugu talogalay inuu noqdo Dab-demiska magaalada, sababtoo ah waad ogtahayoo haatan guryuhu (Hargeysa) aad bay u gubtaan, taasoo aanaan kaga baayac-mushtaraynayn.
S: Markaa Diyaaraddan waxaad ugu talogasheen inay Dab-demis u noqoto Hargeysa miyaa?
J: Haa. Waa Helikobter (Helicopter waa diyaaraddaha qumaatiga u kaca), waxaananu ugu talogalay Dab-demis ahaan, sababtuna waa gubashadan magaaladeenan hada ku badan.
S: Haddaad sii faahfaahiso, maxaad is leedahay dhibaatada Dabku ku hayo Hargeysa way ka qaban kartaa, haddiiba qorshihiinani idiin hirgalo?
J: Waxay ka qaban kartaa adeegii bay fududaynaysaa. Haddii maanta la helo gaadiid Dab-demis ah oo tusaale ahaan la dhigo Saldhigyada oo kale, dee xaafaddaha ka durugsan gaadhigu hore uma gaadhi karayo, Dabkiina wuxuu u baahayaa si dhib yar oo waqti daqiiqado ah buu ku baahayaa, iyadoo uu galaafan karoba qoysas dhan.
S: Idinka hawshan yaa gacan idinka siiyay ee wax idinkala qabtay?
J: Dhaqaalaha ku baxay cid wax nagala qabatay ma jirto. Waxa weeye; dhaqaalaha annaguun baa isu gaynay oo yabyabaynay hadday Bir tahay, kharash wuxuu ku baxayo tahay iyo haddii Toorno waxay ku baxayso tahayba waqtiyadaa hore. Waqtigaa hore ilaa maantana dhaqaaluhu aad buu u badan galay (hawsha galay), marka loo eego duruuftayada, waayahayaga iyo annaga shaqadayada. Culayskaa dhaqaaluhuna wuxuu ku dhacay anigoo Siciid Cabdi Jiidhe, Cabdi Faarax Iidaan oo muhindiskii labaad ah iyo Maxamuud Cabdi.
S: Ikhtiraaciina Diyaaraddan dawladda mala socod siiseen?
J: Dawladda waanu ogaysiinay, waxaanan u tegay Warancadde – Wasiirka Duulista Hawada oo ah qof aad u dadnimo badan. Waxaan u tegay 17/7/2008, waqtigaa aan u tegayna umaan kaxaysan cid muctarif ah ama aad is odhan karto Siciid way ka miisaan wayn tahayoo, ay isaga (Wasiirka) is fahmi karayaan ama ay aqoon isu leeyihiin oo isku kaayo xidhi karta. Laakiin, waqtigaa waxaan sitay oo keliya warqad keliya oo uu plan-ka (qorshaha) uu ku sawiran yahay ikhtiraacani, dabadeedna markii aan ula tegay wuxu i waydiistay, ‘ma soo arki karaa’. Runtii su’aashaasi waxay igu ahayd wax aad u qiimo wayn, waayo sannadahaa aan soo socday cid keliya oo ka garawda ikhtiraacani may jirin, isaguna (Cali M. Warancadde) si dhib yar ayuu ii yidhi, ‘ma soo arki karaa’. Markaa, Mudane Warancadde uu I raacay subaxaas, waxaanan dul keenay ikhtiraacan, wuxuuna ii balanqaaday inuu wax igala qaban doono. Waqtigaa ujeedadaydu may ahayn hanti iyo dhaqaale ku baxaya inaan ka codsado, balse waxaan ka codsaday oo keliya waraaqdii ogolaanshaha ikhtiraacan, si aanay dawladda ama mushtaca wadanka ku nooli si kale ugu arkin.
S: Dhinaca bulshda maxaa idinkaga yimi?
J: Horta, bulshadu way wanaagsan tahayoo inta badan way ducaynaysay, laakiin kuwa wax nagaga yimaadeen waa kuwa aanu Birta wadaagno oo intooda badan aad noo dhaliilayay oo lahaa, ‘waa niman waallan’, iyadoo aanaan garawshiiyo iyo garasho midna aanaan ka haysan.
S: Bahashan aad hindisteen ee aad ag fadhidaan ma istaadhantaa, waxaan ku arkayaa Mishiin dhex yaala’e?
J: Haa – imika way istaadhmi karaysaa oo way istaadhantaa, waananu istaadhnaa. Imika waxa weeye, jewigii koowaad ee hawsha ee ahaa istaadhkeeda, miisaankeeda iyo qaybta wareega baalasheeda ayaa soo gebogaboobay.
S: Markaa maxaa ka dhiman?
J: Imika waxa ka dhiman oo keliya adkaynteedii iyo dhamaystirka Tower-keedii oo aanu is leenahay haddii ALLE qadaro todobaadkan aad gudogashaan.
S: Siciid, maxay tahay rejada aad ka qabtaan inaad ikhtiraaciinan ku guulaysataan oo ay noqoto diyaarad caadi ah?
J: Rejadu aad bay u wanaagsan tahay, yididiilo wanaagsana waanu ku qabnaa.
S: Saddexdiinuba ma Farsamo-yaqaaniin reer Hargeysa ah baad tihiin?
J: Haa, saddexdayaduba Farsamo-yaqaaniin reer Hargeysa ah baanu nahay.
S: Ugu dambayntii, ma jirtaa cid aad wax ka codsan lahaydeen?
J: Waxaad arki karaysaa goobtani inay tahay xaafad aad cidhiidhi u ah, iyadoo aanu karayno in aanu hay’addaha arrintan la kaashano, haddana waxaanu ka doorbidnay in hoygii ay lahayd Illaahay idamkii aanu ku hoyn doono, iyadoo uu weliba wadahadalku noo socdo Wasiirka. Laakiin, imika fursadan waxaan uga faa’iidaysanayaa oo keliya, mushtamacan xaafadda ku soo xoomaya inta badan ee goobtan imanayaa inay rabshada naga yareeyaan, sababtoo dad badan oo aan xaafaddahanba degenayn baa meelo kale ka yimi oo nagu soo ururay, markii qof arkana wuxuu soo kaxaynayaa ilaa shan qof oo kale. Taasina waxay carqalad ku noqotay shaqadii oo aanaan ka wadi karayn dadka buuqoodii iyo su’aashoodii oo aad u tiro badan. Sidaa darteed, waxaan ka codsanayaa inay culayska naga daayaan.
Source:Ogal.
farsamo-yaqaano hindisay fikir ku cusub somaliland
Moderator: Moderators
- Gaashaanle_87
- SomaliNetizen
- Posts: 926
- Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
- Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: farsamo-yaqaano hindisay fikir ku cusub somaliland
Very good !!
Anigu laakin u ma maleeyo inu "helicopter"{sidey u dhisayaan iyaga og e } qorshaha dab demiska ku saabsan wax ku soo kordhin laha .
More power to them , they seem very serious !!

Anigu laakin u ma maleeyo inu "helicopter"{sidey u dhisayaan iyaga og e } qorshaha dab demiska ku saabsan wax ku soo kordhin laha .
More power to them , they seem very serious !!
: Ugu dambayntii, ma jirtaa cid aad wax ka codsan lahaydeen?
J: Waxaad arki karaysaa goobtani inay tahay xaafad aad cidhiidhi u ah, iyadoo aanu karayno in aanu hay’addaha arrintan la kaashano, haddana waxaanu ka doorbidnay in hoygii ay lahayd Illaahay idamkii aanu ku hoyn doono, iyadoo uu weliba wadahadalku noo socdo Wasiirka. Laakiin, imika fursadan waxaan uga faa’iidaysanayaa oo keliya, mushtamacan xaafadda ku soo xoomaya inta badan ee goobtan imanayaa inay rabshada naga yareeyaan, sababtoo dad badan oo aan xaafaddahanba degenayn baa meelo kale ka yimi oo nagu soo ururay, markii qof arkana wuxuu soo kaxaynayaa ilaa shan qof oo kale. Taasina waxay carqalad ku noqotay shaqadii oo aanaan ka wadi karayn dadka buuqoodii iyo su’aashoodii oo aad u tiro badan. Sidaa darteed, waxaan ka codsanayaa inay culayska naga daayaan.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 186 Views
-
Last post by Gaashaanle_87
-
- 1 Replies
- 356 Views
-
Last post by Perfect_Order
-
- 11 Replies
- 908 Views
-
Last post by Inaayah
-
- 5 Replies
- 3268 Views
-
Last post by sheldibow
-
- 14 Replies
- 672 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 8 Replies
- 525 Views
-
Last post by Shirib
-
- 3 Replies
- 6161 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 3 Replies
- 316 Views
-
Last post by BuRjIkO
-
- 4 Replies
- 377 Views
-
Last post by STOP!
-
- 5 Replies
- 319 Views
-
Last post by The_Emperior5