Sharif Ahmed asked about the missing US youths

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Sharif Ahmed asked about the missing US youths

Post by Somalian_Boqor »

ImageImage
Image Image
Sheikh Shariif oo wax laga weydiiyey Carruurta ka laabtay Maraykanka xilliguu uu Xakumay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa
Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com | Wednesday, September 30, 2009


Sheikh Shariif oo wax laga weydiiyey Carruurta ka laabtay Maraykanka xilliguu uu Xakumay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa | Akhri Qoraalkan
Qoraallo La Xiriira
Madaxweyne Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009, sida uu dhigayo Axdiga DFKMG
Minneapolis oo ku Mudaharaadaysa Sheikh Shariif, Goorma iyo Goobtee?
Sheikh Shariif oo la hadlaya Soomaalida Washington iyo Minnesota
Washington D.C Metropolitan Area Somali Community welcomes the Somali delegation led by President Sh. Sharif Sheikh Ahmed
Sheikh Shariif Statement at UN General Assembly – Sept 25, 2009
Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo ka hadlay Carruurta ka laabatay Maraykanka xilligii uu Isagu Xukumay Maxkamadihii Islaamiga

Waraysi ay idaacadda BBC la yeelatay Sheikh Shariif ayaa wax laga weydiiyey in carruurta Soomaaliyeed ka laabtay Maraykanka xilligii uu madaxda ka ahaa Maxakamadihii ayaa sheegay in arrintaasi dhici karto.

Maxamed Xaaji Xuseen (Shiino) oo Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC-da) uga soo warama Maraykanka ayaa marka hore waxa uu madaxweynaha DFKMG weydiiyey ciddii madaxda adduunka ay iska arkeen arrimaha Soomaaliya?

Sheikh Shariif waxa uu ku jawaabey “dadkii aan la kulan dhammaantood waxay ahaayeen dad wadaaga dareen ay qabaan oo ku aadan in Soomaaliya xaaladdeedu ay adagtahay loona baahan yahay in gacan la siiyo, anagana waxay noo ahayd fursad runtii aan ugu sharxi karno qaddiyada Soomaaliya iyo baahida loo qabo adduunka in uu garab istaago Soomaaliya, xaaladda adag ay ku jirto darteed.”

Markii la weydiiyey in uu arkay dad fursaddaas qaaliga ah wax uga faa’iidaynaya oo wax la qabanaya, waxa uu ku jawaabey “dadka oo dhan runtii waxay isku waafaqsanaayeen in lagama maarmaan ay tahay in wax lala qabto Soomaaliya.”

Markii la xasuusiyey ay shirkii ka soo daaheen oo aysan iman markii ay joogeen madaxdii badnayd, waxa uu Sheikh Shariif ku jawaabey “Shirka waqtigii la furaayey ma joogin laakiin haddana madax badan ayaan la kulanay.”

Markii la weydiiyey “waxaa la sheegay in aad tegeysid magaalooyinka Minneapolis iyo Columbus, maxaad ka dooneysaa? Waxa uu ku jawaabey “dadka Soomaalida in aan aragno, oo warbixin aan siino iyagana aan dhegeysano intaas ayaa ugu muhiimsan.”
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Sharif Ahmed asked about the missing US youths

Post by Somalian_Boqor »

Image

Maybe Coming to MN wasn't good idea, the whole media is awaiting him, and they are all going to ask the same questions!!!! From Foxnews, to CNN and every other T.V Station in the State and country.
User avatar
DANGIRL
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12793
Joined: Wed Dec 03, 2003 7:00 pm
Location: .....

Re: Sharif Ahmed asked about the missing US youths

Post by DANGIRL »

Somalian_Boqor wrote:
From Foxnews, to CNN and every other T.V Station in the State and country.
whoa, lets not get ahead of ourselves now .
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”