http://wadanka.com/Somali-News/2442.html
Wararka naga soo gaaray xuduudka u dhaxeysay Kenya & Soomaaliya ayaa sheegya in Ciidamo aad u hubeysan oo Soomaali ah daacadna u ah Dowlada KMG ah ayaa laga sheegay iney ka soo talaabeen caawa fiidkii xadka kala qeybiyay labada dal, waxeyna ku soo jeedaan Gobolada Konfurta Soomaaliya halkasoo maalintii shalay dagaal ku dhex maray Maleeshiyaad kala taageersan Shababka & Xisbul Islam.
Sidoo kale waxaa heegan buuxa la geliyay maleeshiyaadka Xisbul Islaam ee Degmada Afgooye ilaa Ceelasha biyaha, Maleeshiyaadkani ayaa la sheegay in degaanka Awdhgeele ay ka qoteen dhufeysyo iyo godad waa weyn, waxaa sidoo kale la sheegay in wadada ka baxada dhinac carbiska ee tagta degaanka dayniile iyadana la dhigay Maleeshiyaad kuwaasoo ay ka muuqto feejignaan dheeraad ah socotanada aan la hadleynin.
Dhanka kale, Maleeshiyaadka Shababka ee Gobolada Jubooyinka, Bay, Bakool, Gedo & Shabeelooyinka ayaa heegan buuxa la geliyay, waxeyna dhaqadhaqaaq xoogan ka wadaan degaanadaasi, Maleeshiyaadkan ayaa ku hubeysan noocyada Tiknikada dagaalka waxaana dhaqdhaqaaqooda aad looga dareemay Gobolka Sh/hoose gaar ahaan magaayoolyinka Marka, Baraawe, Baar Xaraf & garsalbaaley.