Maalinbaa anagoo miyi joogna = (hawdka sare)

Waa inantii dhiibsan, oo dhar magaalo ku taagan, oo dhabo dhaan marinaysa!
Inantii dhiibsan baan wax boqolaal kor u dhaaftay
kumanaana ka gaaban baan dhooshaa ka tusay
al inantii qosol bay ka dhag siisay oo dhilifkay kor u taagtay!
markii aan ka dhaguugay
ayaa odaygii dhaka bir iyo islaantii dhaga la, nagu qabteen!
Odaygii dhaka bir: say
Waar inantu waa dhaladkaa
baraa laguu dhisayaa
baray kuu dhalaysaa
waar inanta miyaad ku dhawaatay
mise waad dhinac jiiftay
mise waad dhunkanaysay
mise waad ka dhamaysay?
Aniga:
Inantu waa dhaladkay
baraa lay dhisayaa
baray ii dhalaysaa
inanta waan u dhawaaday
oo inanta waan dhinac jiifay
oo inanta waan dhunkanaayay
al oo inanta waan ka dhamaystay

Odaygii dhaka bir islaantii dhaga la' iyo dhabiyaa lala yaacay
ana dharqasaalkii baan la booday
oo dhinbiilahaa cirka gaadhay
odaygii dhaka bir
baan dhabigii kala booday
oo dhug dhuglahaan ku dhuftay
oo intii la dhayaayay
baan dhabadaa ka xulay .

