Published: 3 October 2009
KN: Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay agab kala duwan ka qaateen guriga Sh. Axmed Madoobe oo isaga iyo ciidamadiisa Xisbul Islaam laga saaray Kismaayo 2 maalmood ka hor.
Maleeshiyo beeleed ka tirsan kuwii Col. Barre Hiiraale ee magaalada laga qabsaday sanad ka hor balse Xarakatul Shabaab ay hubeeyeen Arbacadii ayaa la sheegayaa in ay boob iyo dhac ka geeysteen gudaha magaalada, isla markaasina ay qaarkood diideen in ay hubka dhigaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaarkood hubkii laga qaaday, qaarkoodna ay diidanyihiin in wareejiyaan kuna hanjabeen in ay isdifaacayaan haddii la tixgalin waayo garabkii ay Shabaabka siiyeen xiligii loo baahnaa.
Saraakiil kale oo Xisbul Islaam ka tirsan ayaa iyana guryahooda agab laga qaatay, lamina oga waxa ay yihiin alaabaha la furtey iyo qiimahoodaba.
Maamulka Kismaayo ee wali kasii taliya magaalada ayaanan wax war ah kasoo saarin arrinkan.
Isla markii lagu kala baxay dagaalkii magaalada ayaa waxaa biloowmey boob baahsan oo lala eeganayay dad kasoo jeeda beelaha Alshabaab ay sheegeen in ay kusoo duuleen magaalada oo ay shacabka magaalada ugu baaqeen in ay iska difaacaan.
Hubeynta Maleeshiyaadkani ayaa yimid kadib markii afayeenka Maamulka Sheekh Xassan Yacquub uu idaacada Andulus baaq ugu jeediyey dadka magaalada isagoo leh “waxaa nagu soo duuley beel, ee dad magaalada waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan, haddii aad garab na siin waayaana inaga ayaa diyaaru ah in aan is difaacno”.
KismaayoNews.com
in all seriousness really kablalax should give up on kismayo it took 2 hours for you to be chased back to the bushes are you serious 2 hours?
