Page 1 of 1

Al-shabaab oo Xuquuqda Dameeraha in la ilaaliyo amar,,,,,

Posted: Sun Oct 04, 2009 11:52 am
by Diyeeshaha_Tolka
Al-shabaab oo Xuquuqda Dameeraha in la ilaaliyo amar ku bixiyay,,,aaway xuquuqdii bini-aadamka


Ururka Alshabaab ayaa maanta amar kasoo saaray Suuqa Bakaaraha gaar ahaan dadka xamaaliga ah ee dameerrada wax ku xamaasha kuwaasi oo amarada ay si toos ah u quseeyaan.

Amarkani la faray Xamaalatada ayaa waxaa kamid ah in dameerada ay rartaan aysan ku tumanin xuquuqda ay leeyihiin isla markasina aysan ku rarin wax ayasn qaadi Karin oo aad u fara badan ayna ku rartaan keliya inta uu awoodo dameerka in uu qaado.

Ninka mas’uulka uga ah Gobolka Banaadir Ururka Alshabaab Sheekh Cali ayaa shir jaraa’id oo bakaaraha uu ku qabtay waxa uu sheegay ciddii ay ku arkaan iyadoo ku tumaneysa xuquuqda dameeraha ay tallaabo waafaqsan shareecada Islaamka ka qaadi doonaan.

Waxaa sidoo kale uu diiday Sheekh Cali in Dameerka afka loogeliyo birta lijaamka loo yaqaano kaasi oo u sahla Dameerka in alaabta uu qaadayo culeeskiisa uu awoodiisa dhanka hore kujiido.

Sidoo kale waxa uu sheekh Cali ku celiyay in aysan iska dhaafi doonin haweenka xijaabka iska iloobay ee Suuqa Bakaaraha soo gala iyo xilliyada salaadda oo weli qeybo kamid ah ganacsiga Suuqa si caadi ah isaga furan.

Ragga wax ku xamaala gaari dameerada ayaa ah kuwa si aad ah u rara dameerkooda, waxaana mararka qaar dhacda in dameerada sida aadka loo raro ay dhibaato kasoo gaarto.

Re: Al-shabaab oo Xuquuqda Dameeraha in la ilaaliyo amar,,,,,

Posted: Sun Oct 04, 2009 12:20 pm
by BaasAbuur
Good job Al shabaab. :up: They abuse them poor donkeys in Somalia.