Latest news the war in the lower jubba
Posted: Mon Oct 05, 2009 8:30 am
Kismaayo iyo duleedkeeda oo xaalad dagaal ay kajirto iyo qasaarihii kadhashay dagaalkii Xalay oo soo shaac baxaya.
October 5, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (1)
Kismaayo iyo duleedkeeda oo xaalad dagaal ay kajirto iyo qasaarihii kadhashay dagaalkii Xalay oo soo shaac baxaya. | read this item Horseed Media
Kismaayo
Ayadoo ay shalay gelinkii dambe ilaa xalay fiidkii ay dagaalo udhaxeeya ciidamada Xarakatu Shabaab Al-Mujaahidiin iyo ururka Xisbul Islaam ay kadhaceen deegaano duleedka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa hadana waxaa weli xaalad kacsanaan ahi ay kajirtaa gobolkaasi.
Dagaalkii ugu dambeeyey ee dhacay shalay galab ilaa iyo xalay waxaa kudhintay dad kor udhaafaya 10 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay ayadoo sidoo kalena dagaaladaasi ay kudhaawacmeen tiro kale oo kabadan Labaatameeyo ruux sida ay Horseed Media usheegaan wariyeyaal kusugan magaalada Kismaayo.
Isbitaalka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa lakeenay xalay dhaawacyo farabadan oo kawada tirsan dhinac kamid ah dhinacyadii dagaalamay maadaama magaaladaasi ay weli gacanta kuhayaan uruka Al-Shabaab.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba dhamaantood waxa ay kawada tirsanyihiin dhinacyadii dagaalamay mana jiro wax waxyeelo ah oo soo gaaray dad rayid ah maadaama goobaha ay dagaaladu kadhaceen ay yihiin meelo magaalada duleedkeeda ah.
Dhanka Al-Shabaab afhayeen uhadlay oo lagu magacaabo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo kismaayo jooga waxa uu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyey ee dhacay shalay iyo xalay ayaga lagu soo qaaday waloow dhanka Xisbul Islaamna ilaa iyo hada aan war cad kasoo yeerin.
Saakay xaalka goobihii lagu dagaalamay iyo magaalada Kismaayo lafteedu ma ahan mid caadi ah oo waxaa weli kajirta xaalad kacsanaan ah oo aad udaran iyo jawi dagaal oo aan yareyn waxaana dadka reer Kismaayo qaarkood oo aynu laxiriirnay ay kuwarameen in magaaladu xalay ay soo gaareen maleeshiyaad farabadan oo wata gaadiidka dagaalka kuwaasi oo gurmad ahaan uga yimid gobolada Gedo,Shabeelada hoose iyo Banaadir.
Marka laga reebo magaalada Kismaayo xaalka deegaanada lagu dagaalamay inkastoo uu cakiranyahay lalama samaynkaro xiriir toos ah waayo isgaarsiin malahan marka laga reebo isgaarsiinta gaarka ay u isticmaalayaan dhinacyada dagaalamaya waxaana colaadahu ay yihiin kuwo sidoo kale kajira gobolo farbadan oo kamid ah koonfurta Soomaaliya oo maleeshiyaad labada dhinac kala taabacsan ay joogaan.
Lama oga xaalka dagaalkan iyo xiisadihiisa halka ay kudambeyn doonaan waxaana haatan muuqanaysa inay waxbo kama jiraan yihiin qodobo lasheegay inay kasoo baxeen kulammo qarsoodi ah oo ay yeesheen hogaanka labada urur diimeed kuwaasi oo kadhacay magaalada Muqdisho gudaheeda iyo duleedkeeda “Saacad walbana waxa aynu filan karnaa waa dagaal” sidaana waxaa yiri mid kamid ah waxgaradka reer Kismaayo.
Horseedmedia.net Web Editor