Bosaso: Beelihii diriray oo Heshiiyay
Posted: Mon Oct 05, 2009 8:36 am
Bosaso: Beelihii dhawaan ku dagaalamay ku diriray Ufeyn oo heshiis kala saxiixan doona.
5. oktober 2009
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Bosaso(AllPuntland)- Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaso, labada maalin ee fooda inagu soo heysa Labo beelood oo dhawaan ku dagaalamay, deegaanada gobalka Bari ayaa gaari doona heshiis ku saabsan colaadihii mudada soo jiitamayay.
Odayaasha labada beelood oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku jiray xalinta arrimahaasi, waxaa usoo dhamaaday wada hadalo ku aadan arrimahaasi, waxa ayna sheegeen in ay saacadaha nagu soo aadan kala saxiixan doonaan qodobo ku saabsan xalinta dagaaladaasi.
Saraakiisha dawladda Puntland ee arrimahan aadka ugu howlan ayaa shaaciyey in ay hada labada beelood, isla gaareen qodobo door ah oo ku aadan xaalada dagaaladii dhacay iyo sida wax looga qaban karo, ayadoo qodobada ay gaareen ay ku jiraan heshiis caam ah oo wax badan ka badalaya xaaladaha dagaalada.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed iyo Kuxigeenkiisa Jen. C/samad Cali Shire ayaa hada ujooga gobalka Bari, xalinta mashaakilaadkaas, waxa ayna dhawaan tageen deegaanadii ay ka dhaceen dagaaladu, ayagoo sidoo la kulmay dhamaanba Salaadiinta dhaqanka oo ay waxyaabo badan ka wada hadleen, siiba arrimaha colaadaha ee deegaanada Ufeyn iyo Ig-dheys.
F. C. Maxamed
AllPuntland