Qardho : New Hospital being built

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Qardho : New Hospital being built

Post by gemini07 »

Adeegyo caafimaad oo casri ah oo laga hirgaliyay Qardho General Hospital.


October 3, 2009

C/rashiid Maxamed Daahir

Horseed Media,Qardho


Magaaladda Qardho waxa ay leedahay hal cusbitaal oo kulmiya Adeegyadda Dadweynaha ee la xiriira Arrimaha Caafimaadka,Cusbitaa lku waxaa uu ka koobanyahay Qeybo kala duwan sida,Laboratory(Shay baar casri ah) ,Qeybta Raajadda,Computerka Caafimaadka ee la saaro Xubnaha Bani aadamka,Surgeant Department(Qaybta qaliinka),TB Center iyo Qeybo kale oo la xiriira Ahmiyadaha Caafimaadka,Agaasima ha Cusbitaalka Magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar Nuur Maxamed nuur ayaa noo sheegay in Hawsha Cusbitaalku tahay mid dardar ku socota isla markaasna hadda Maamulka Cusbitaalka ee uu isagu hormuudka ka yahay keneen Cusbitaalka Qardho Takhaatiir Ajnabi ah oo ka hawgasha Cusbitaalka wuxuuna Agaasimuhu intaasi ku daray in Muddo sanad ah ay Takhaatiirtaasi Joogaan.


Muuqaalka Cusbitaalka ayaa markaad soo gasho aad u quruxbadan waxaana Dhinacyada Hospitalka ku xardhan Qeybwalba magaceeda iyadoona ay Cusbitaalka markaan tagay jiifeen Bukaano la ildaran cuduro kala duwan sida Kuwo dhaawacyo qaba iyo Kuwo kale oo qaliino kala duwan lagu samaynayo,Dr:Abdimaw la Maxamed Taha waa Takhtar u dhashay Dalka Masar wuxuuna ka hawgalayay Goboladda Puntland ku dhawaad 6 sano Dr:Mowla ayaa ii sheegay inuu 5 Sano ka hawgalayay Goob caafimaad oo ku taala Magaaladda Bosaso balse hadda Muddo gaaraysa Sanad wuxuu sheegay inuu ka hawlgalayay Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho.


Dr:Abdimowla Maxamed Taha ayaa iiga waramay Qaliinka uu sameeyo ee ugu badan inta uu ka shaqaynayo Cusbitaalka Magaaladda Qardho”Waxyaab aha Amergencyga ah ayaa u badan sida Shilgaari oo degdeg u dhacay hadaan joogo Gurigayga waan soo aada Cusbitaalka anigoo shaqayda Gudanaya,Qaliinka Qofka dhaawucu ka soo gaaro shil degdega sida Shilka Gaari iyoxabadda ayaan dhihi karaa waa ugu badantahay Hawshayda Qaliin ee Cusbitaalka Qardho taasi waxaa sii dheer Qaaliino kala gedisan oo Jirka aan ku samayo sida Goynta Burooyinka iyo Wixii la mida” ayaa uu yiri Dr:Abdulmawla Mohamed Taha oo ah Dhakhtar qaliin oo ka hawgala Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho(Qardho General Hospital).


Shaybaarka Cusbitaalka(Qardho Hospital Laboratory:-


Qeybta Shaybaarka ee Cusbitaalka Magaaladda Qardho sida idiin muuqata waa mid aad u qalabaysan waxaana ka hawgala shaqaale aad ugu carbisan Hawlaha(Laboratory Investigation) Shaybaarka ayaa waxaa yaala Qalab iyo Daawoyin la isugu talo galay Marka qof laga qaadayo Dhiig ama Candhuuf inkastoo uu jiro Shaybaar kale oo lagu Baaro TBda(Tuberculosis) kaasi oo yaala Qeybta TB da oo iyadu ka go’an Qeybta kale ee Cusbitaalka.



Si kastaba ha ahaate Shaybaarka Cusbitaalka Magaaladda Qardho ayaa shaqeeya Badanaa Maalintii sida uu ii sheegay Agaasimaha Cusbitaalka Magaaladda Qardho Nuur Maxamed Nuur waxaana Shaqaalaha Shaybaarka Cusbitaalku gaarayaan ku dhawaad 10 shaqaale oo ah oo xirfad u leh hawlaha lagu Baaro Cuduradda kala duwan.


Qardho TB Center:-


Xaruntani waxay ka tirsantahay Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho waxaan DhismeheedaGacan ka gaystay Hay’adaha Merlin,World Vision iyo WHO iyadoona ay hadda ka hawlgalaan shaqaale dhan 9 qof,Xaruntani ayaa waxaa ay hadda Daaweysaa Dad gaaraya 75 qof oo qaba Cudurka Qaaxadda kuwaasi oo laga helay Karoojooyinka(Case of Tuberculosis).


Dr:Cismaan Xuseen cali waa Madaxa Qardho Hospital TB center waxaan kulmay Xafiiskiisa Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Qardho ugu horayntiina wuxuu iiga waramay Hawlaha ay qabato Xaruntani “Qardho TB Center waxaa la furay 24Maarso 2009 waxaana furay Wasiirka wasaaradda Cafimaadka,Madaxda WHO,World Vision iyo Merlin ,Xaruntaana waxaa saacida hadda Merlin oo Implementationka ah,World Vision,Global Fund iyo wasaaradda Caafimaadka,Xaruntaa ni waxaa ka shaqeeya 9qof oo kala ah,Dhakhtar,4Shaqaal e oo Nurse ah,Labbo waardiye iyo Nadiifiso xaruntaani ilaa hadda waxay Gacanta ku haysaa 75 qof oo Daawo ka qaata Subax walba”.


Madaxa Qardho Hospital TB Center Dr:Cismaan Xuseen cali ayaa Markale iiga waramay Waxqabadka Xaruntaan”Dadk a TB da qaba waa la baara waxaana fiirinaaa Camdhuufta qofka Candhuufta haddi laga waayo waxaa loo dira Raajo iyadoo raajadu baarayso xanuunka Feeraha ka haya ,Baaritaankaasi ka dib qofka markii laga helo Jermiska ama Raajadda waxaa loo bilaaba Daawadda,Daawada dadkay ku cusubtahay oo aan horay u soo qaadan waxaa la siiya 6 Bilood oo daawo ah marka kaleeto oo qofku Daawo hore soo qaatay waxaa la siiyaa 8 Bilood oo daawo ah,Labba bilood oo Irabada Srapto ah iyo bilaha kale oo Daawada caadiga ah ay qaadanayan”.


“Ilaa hadda waxaan meesha ku haynaa Dad gaaraya 75 qof dad baa jira naga baxsaday Dadna meesha ayaan ku haynaa ,Dadka Candhuuftodu Positiveka tahay ee naga baxsaday waxay gaarayaan Tiro ahaan 4 qof,Caruur iyo Dad waaweyn ayaa jira oo Cudurkani hayo guryohooda ayaan ku siina”ayaa uu yiri Dr:Cismaan Xuseen cali Madaxa Qardho TB Center.
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Qardho : New Hospital being built

Post by Xamud. »

Nice have you got pictures awoowo? or is it too soon?

And who`s funding it? the PL government :?:
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Qardho : New Hospital being built

Post by gemini07 »

Xamud. wrote:Nice have you got pictures awoowo? or is it too soon?

And who`s funding it? the PL government :?:

Awoowe

I can't find any pics ,i copied and pasted the article from another forum :mrgreen:
I don't know who's funding it yet.Maybe it's in the article :oops:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”